Warbixinta Maalinta: Lacagta Dollarka oo Xoogaa Soo Kabatay, Bitcoin oo Heer Hor Leh Gaadhay, Suuqyada Saamiyada Oo Deggan – Xogta PMI & Shaqada Mareykanka

Maanta suuqyada caalamiga ah waxaa ka dhacay isbeddello muhiim ah oo ay horseedeen xogaha dhaqaale ee Mareykanka, hoos u dhac ku yimid bonds-yada dowladda, iyo koror xoog leh oo uu sameeyay Bitcoin.
Forex Market:
Doolarka Mareykanka (USD) ayaa maalinta ku xidhmay bullish, iyadoo tusmada DXY ay kor u kacday +0.23% si ay u gaarto 99.92, kadib markii la helay xogaha PMI iyo shaqaalaha oo ka sarreeyey filashada una fiicnaa doollarka.
PMI-ka Mareykanka: Waxay muujiyeen koboc dhaqaale oo ka wanaagsan sidii laga filayey, taasoo kor u qaaday kalsoonida suuqyada.

Unemployment Claims: Tirada dadkii shaqo doonka ahaa waxay hoos uga dhacday filashadii, taasoo caddeyneysa in suuqa shaqadu yahay mid xooggan.

GBPUSD hoos ayuu u dhacay -0.01%, halka EURUSD uu si cad u liitay -0.43%, taasoo ka dhalatay PMI da liidata ee Yurub oo muujisay hoos u dhac dhaqaale oo ka dhacay wadamada EU-da.
Dhanka kale tusmada lagu amaahanayo bond-yada dowladda Mareykanka ee 2 sano ayaa hoos u dhacday -0.75% (3.99%), taasoo muujinaysa in maal-gashadayaashu ay dareemayaan in sicirka dulsaarka laga yaabo inuu hoos u dhaco ama koror horleh aanu jirin.
Lacagaha dhijitaalka ah ee Bitcoin ayaa si weyn kor ugu kacay +1.29%, isagoo gaaray heer cusub oo ah 111,056.27, waxana laga dareemay dalab xooggan oo ka imaanaya maalgashadayaal ka cararaya suuqyada aan xasilloonayn sida bonds iyo saamiyada
Qiimaha dahabka (Gold Spot) ayaa hoos u dhacay -0.68% ilaa 3,292.82 USD/oz, taasoo ka dhigan in maalgashadayaashii badankood ay u wareegeen lacagta doolarka iyo hantida risk-ga badan sida Bitcoin.
S&P 500 & Suuqyada Saamiyada Mareykanka: Xasillooni La’aan
Inkasta oo xogta Mareykanka ahayd mid wanaagsan, suuqyada saamiyada sida S&P 500 ayaa ku dhammaystay si deggan (-0.01%), iyadoo maal-gashadayaasha wali ka walwalsan yihiin suurtagalnimada koror kale oo cashuuraad ah marka laga eego siyaasadda canshuuraha ee Trump iyo arrimaha deynta dowladda.
Doolarku wuu xoogaystay, isagoo ka jawaabaya xog dhaqaale oo wanaagsan, balse Techinal ahaan waxad mooddaa inay bullback uun tahay oo uu berri Jimcaha hoos u sii socon karo.
Suuqyada bonds-ka waxay bilaabeen in ay cadaadis saaraan dowladaha deynta doonaya. S&P 500 wali ma helin jihadeeda inkaatoo ay aad uga soo kabatay dharbaaxadii bilowga, iyadoo mugdiga siyaasadeed iyo dhibaatooyinka deynta ay taagan yihiin.
Tradersku waa in ay si taxadar leh ula socdaan xogaha dhaqaalaha iyo isbeddelka suuqyada macro si ay go'aan waafi ah u gaaraan.
Wixii tusaale, talo iyo aragti ah waxaad iigu reebi kartaa emailka; hagarlaaweacademy@gmail.com
Livestreamkan saaka ayuu ahaa, wax badan oo information ah ayaa ku jira. Soo daawo