Wararka Ugu Muhiimsan Ee Saameeyay Suuqa (May 30, 2025)

1. Xiisado Ganacsi oo Dib Usoo Cusboonaaday: Maraykanka vs Shiinaha
Madaxweyne Trump wuxuu ku eedeeyay Shiinaha inuu jebiyay heshiiskii Geneva ee dhawaan la gaaray, kaasoo lagu xallin lahaa xayiraadaha ganacsi ee la xiriira macdanta muhiimka ah (rare earths).
Maraykanku wuxuu sheegay in Shiinuhu uu hakiyay dhoofinta iyo shatiyada qaar.
Shiinaha wuxuu dhankiisa ku eedeeyay Maraykanka inuu jebiyay heshiiska isagoo weli cunaqabateyn ku haya qaybta semiconductors-ka. ➡️ Tani waxay sababtay in wadahadalladii ganacsi ay istaagaan.
2. Kordhinta Canshuuraha & Khilaafaadka Sharciga
Trump wuxuu ku dhawaaqay in la labanlaabayo cashuuraha birta iyo aluminium-ka laga keeno dibadda (ilaa 50%) isagoo ku sababeeyay arrimo amni qaran.
Dalal badan oo ay ka mid yihiin Kanada iyo Australia ayaa cambaareeyay arrintan, iyagoo ka digay in dhaqaalahooda la dhaawacayo.
Maxkamad ganacsi oo Maraykan ah ayaa sheegtay in xukuumaddu ay ka badisay awooddeeda marka ay adeegsaneyso sharci 1977 ah si ay cashuuraha u saarto wadammada qaar. ➡️ Dowladda ayaa racfaan ka qaadatay go’aankaas, taasoo abuurtay mugdi sharciyeed.
3. Suuqa Bonds-ka & Walwalka Maaliyadeed
Dulsaaradii treasury-yada ayaa dib usoo kacday kadib hoos u dhac bil dhan socday.
bond-ga 10-year yield wuxuu gaaray heerkii ugu hooseeyay 3 toddobaad gudahood – 4.40%.
Sababta ugu weyn: walwalka laga qabo hindise sharciyeed uu Trump watay oo ah qorshe $4 trillion ah oo canshuur iyo kharash isugu jira.
🌍Aragtida Hore (Outlook)
Xiisadaha ganacsi, hubanti la’aanta sharciyada cashuuraha, iyo hoos u dhaca kobaca dhaqaalaha ayaa sii wiiqaya kalsoonida maalgeliyeyaasha.
Isha ayaa lagu hayaa xiriirka sii xumaan kara ee Maraykanka iyo Shiinaha.
Maxkamadda racfaanka ee canshuuraha ayaa noqon doonta go'aan saameyn weyn leh.
ECB (Bangiga Dhexe ee Yurub) wuxuu la filayaa inuu hoos u dhigo dulsaarka – taasoo si toos ah u saameyn karta Euro-ga iyo suuqyada la xiriira.
🧭 Talo Guud
Inkasta oo suuqa Nasdaq iyo S&P 500 ay u muuqdaan kuwo sare u kacaya, dareenka hoose ee maalgeliyeyaasha wuu liitaa. Ganacsatada waa iney si feejigan ula socdaan isbeddelada siyaasadeed iyo kuwa ganacsi ee degdega ah, maxaa yeelay hal go’aan siyaasadeed ayaa dhanka kale u rogaya suuqa oo dhan.