Wararka u Waawayn Suuqa FX Toddobaadka 19-23, May 2025

Waxaa la filayaa in toddobaadku uu noqon doono mid degan gudaha Mareykanka, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha la xiriira canshuuraha cusub, khudbadaha saraakiil ka tirsan Federal Reserve, iyo soo saarista xogta warshadaha iyo adeegyada ee S&P Global PMI. Waxa kale oo la sugayaa xog ku saabsan iibka guryaha cusub iyo kuwa horey u jiray.

Wadammo badan ayaa xogta S&P Global PMI ayaa si dhow looga fiirsan doonaa waddamada sida; Australia, Japan, Hindiya, Faransiiska, Jarmalka, aagga Euro-ga, iyo Boqortooyada Midowday (UK). Shiinaha waxa laga sugayaa tilmaamayaal dhaqaaladeed oo muhiim ah sida wax-soo-saarka warshadaha, iibka tafaariiqda, tusmada qiimaha guryaha, maalgashiga hantida go’an (fixed asset investment), maalgashiga tooska ah ee shisheeye (FDI), iyo go’aanka dulsaarka muhiimka ah ee Bangiga Dhexe.
Japan waxay shaacin doontaa xogta sicir-bararka iyo miisaanka ganacsiga, halka Jarmalku uu soo saari doono tusmada kalsoonida ganacsiga ee Ifo. UK waxay soo bandhigi doontaa xogta iibka tafaariiqda iyo sicir-bararka. Canada waxay la imaan doontaa xog ku saabsan sicir-bararka, iibka tafaariiqda iyo qiimaha guryaha. Dhanka Australia, bangiga dhexe ee dalkaas ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo go’aan ku saabsan dulsaarka.
Isbeddelka Canshuuraha Mareykanka Wadahadallada ganacsiga ayaa sii socon doona iyadoo madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay in Mareykanku u dirayo waraaqo qaar ka mid ah saaxiibada ganacsi, taasoo muujinaysa in la qorsheynayo in si keli kelo ah loo dejiyo heerar cusub oo canshuur ah. Waxaa sidoo kale si dhow loola socon doonaa hadallada saraakiisha Fed ee toddobaadkan, si loo helo tilmaamo ku saabsan siyaasadda lacagta sanadka intiisa harsan.
Xogta dhaqaalaha Mareykanka ayaa la filayaa in ay yaraato. PMIs-ka degdega ah ee S&P Global waxay muujin doonaan hoos u dhac ku yimid wax-soo-saarka warshadaha iyo sii yaraanshaha kororka adeegyada. Iibka guryaha cusub ayaa la filayaa inuu hoos u dhaco, halka iibka guryaha horey u jiray uu noqon karo mid aan isbeddelin.
Kanada waxa la filayaa in heerka sicir-bararku hoos ugu dhaco 1.6% laga bilaabo 2.3%. Waxa kale oo jira xog la sugayo oo ku saabsan iibka tafaariiqda iyo tusmada qiimaha wax-soo-saarka.
ECB (Bangiga Dhexe ee Yurub) waxa uu daabici doonaa warbixinta shirkiisii Maarso. Bishii hore, ECB waxa uu hoos u dhigay dulsaarka 25 dhibcood (bps), isaga oo meesha ka saaray hadallo tilmaamayay siyaasad dulsaarku sarreeyo, balse uga digay suuqyada in xaaladda dhaqaalaha ay kasii darayso sabab la xiriirta murannada ganacsiga caalamiga ah.
Xogta PMI-yada ee Khamiista ayaa noqon doonta mid si gaar ah loo eegayo, si loo fahmo sida dhaqaalaha waaweyn ay uga falcelinayaan isbeddelada ganacsi ee dunida. Waxaa la filayaa in hoos u dhaca wax-soo-saarka warshadaha uu yaraado Yurub, Jarmalka, Faransiiska, iyo UK, halka adeegyada laga yaabo inay kor u kacaan Yurub iyo hoosna ay u dhacaan Jarmal iyo Faransiiska.
UK waxa la filayaa xogta sicir-bararka bishii Abriil iyo iibka tafaariiqda. CPI-ga guud waxa la filayaa inuu kor u kaco ilaa 3.3%, waana meeshuy ugu sarreeysay 14 bilood, halka kan asaasiga ah (core) uu gaari karo 3.6%. Iibka tafaariiqda ayaa la filayaa inuu kaco 0.4%, taasoo noqonaysa afar bilood oo xiriir ah oo koror ah.
Kalsoonida macaamiisha ee Euro Area ayaa laga yaabaa inay dib uga soo kabato heerarkii ugu hooseeyay tan iyo Noofambar 2023. Jarmalka, tusmada ganacsiga ee Ifo waxa la filayaa inay koraan bishii shanaad oo xiriir ah, taasoo gaarsiineysa heerkii ugu fiicnaa tan iyo Juun 2024.
Xogaha kale ee muhiimka ah:
Kororka mushaharka qandaraasyada Q1 ee Euro Area
Tusmada wax-soo-saarka Jarmalka
Warbixinnada kalsoonida ganacsi iyo macaamiil ee Faransiiska iyo Turkiga
Isbeddelada ganacsiga ee Spain
CBI iyo GfK xogaha kalsoonida ee UK
Japan waxa la filayaa in miisaanka ganacsiga uu rogmado una beddelo dheelitir togan bishii Abriil, inkastoo ay jiraan canshuuro ka yimid Mareykanka. Waxaa kale oo la sugayaa xogta sicir-bararka iyo dalabka mishiinnada.