Wararka Suuqa FX ee Toddobaadka 25-29, May

Suuqyada maaliyadeed ayaa is diyaarinaya toddobaad kale oo kacsan, kaddib markii uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump dib u soo nooleeyay hanjabaadaha canshuuraha, isaga oo bartilmaameedsanaya Midowga Yurub iyo shirkadda Apple. Maalgashadayaasha waxay sidoo kale si dhow ula socon doonaan khudbadaha mas’uuliyiinta Federal Reserve (Fed) iyo warbixinta kulankii ugu dambeeyay ee FOMC, si ay u fahmaan jihada siyaasadda lacageed ee bangiga dhexe ee Mareykanka iyo warbixinta sicirbararka ee Core PCE.

Sida kor ka muuqata warar waawayn sida FOMC, CPI iyo NFP toddobaadkan ma jiraan, balse warar saamayntoodu aanay yarayn ayay u badan yihiin toddobaadkan. Dhanka kale Isniinta Yurub iyo Maraykanka oo ah labada lacagood ee u waawayn suuqa ayaa bangiyadoodu xidhan yihiin, sidaa darteed Isniinta inta badan suuqu caajis ayuu noqonayaa.
Warar Muhiim ah oo Mareykanka ka imaanaya:
Dakhliga iyo kharashaadka shaqsiyaadka
Heerka sicir-bararka ee PCE (oo ah cabirka ugu muhiimsan ee Fed adeegsado)
Dalabka agabka adag (durable goods)
Iskaashatada ganacsiga badeecadaha (goods trade balance)
Qiyaasta labaad ee koboca GDP ee rubuca koowaad (Q1)
Dakhliga shirkadaha
Guryaha suuqyada ku jira ee aan weli la iibin (pending home sales)
Qiimaha guryaha ee S&P/Case-Shiller
Siyaasadaha Lacageed ee Caalamka:
Go’aamo siyaasadeed ayaa laga sugayaa:
New Zealand Iyo sidoo kale: Heerka sicir-bararka ee Faransiiska, Isbeyn, Talyaaniga, iyo Jarmalka
Jarmalka iyo Yurub:
Qiimaha maciishadda (inflation) ee hordhaca ah
Kalsoonida macaamiisha ee GfK (la filayo inay gaarto heerkii ugu sarreeyay 7 bilood gudahood)
Iibka tafaariiqda (waxaa la filayaa inuu kor u kaco 0.3% bishii Abriil)
Heerka shaqo la’aanta Jarmalka (la filayo inuu u gaadho 6.3%, heerkii ugu sarreeyay tan iyo Sebtembar 2020)
Kalsoonida ganacsiga ee Yurub
Wararka Wadammada Aasiya:
Shiinaha wuxuu kaliya soo saari doonaa dakhliga warshadaha illaa Abriil — taasoo muujin doonta saamaynta dagaalkii ganacsi ee US iyo Shiinaha.
Jabbaan:
Kalsoonida macaamiisha
Wax-soo-saarka warshadaha
Heerka shaqo la’aanta
Iibka tafaariiqda
Warka guryaha cusub ee la dhisayo
Australia:
Heerka sicir-bararka bishii u dambeysay
Kalsoonida ganacsiga ANZ
New Zealand (RBNZ):
Waxaa la filayaa inuu hoos u dhigo dulsaarka 0.25%, si uu u sii wado siyaasadda dabacsan Bangiga dhexe ee RBNZ.
Maalgashadayaasha iyo ganacsatada suuqyadu waxay si dhaw ula socdaan xogaha muhiimka ah, gaar ahaan kuwa la xiriira siyaasadaha lacagta, siyaasadda cashuuraha Trump, koboca dhaqaalaha, iyo qiimaha maciishadda — kuwaas oo saameyn toos ah ku leh go’aamada maalgashi iyo dhaqdhaqaaqa lacagaha Forex.
