Wararka Suuqa Forex ee Toddobaadka 16-20, Juun 2025; Dagaalka Iiraan iyo Israa'iil

Wararka Suuqa Forex ee Toddobaadka 16-20, Juun 2025; Dagaalka Iiraan iyo Israa'iil

Xiisadaha juqraafi siyaasadeed ee Bariga Dhexe ayaa si weyn isha loogu hayn doonaa toddobaadka soo socda, kadib weerarkii Israa’iil ay ku qaaday xarumaha Iiraan iyo jawaabtii cuslayd ee ay Iiraan bixisay, taasoo kordhisay cabsi laga qabo in dagaalku uu u faafo gobolka oo dhan. Suuqyaduna waxay si dhow ula socon doonaan horumarka wada hadallada ganacsi ee u dhexeeya Mareykanka iyo saaxiibadiisa muhiimka ah. Isla markaana, indhuhu waxay ku jeedsan doonaan shir madaxeedka G7 ee Kanada, halkaas oo hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha ugu weyn dunida ay kaga doodi doonaan caqabadaha waaweyn ee caalamiga ah.

Toddobaadkani sidoo kale waa mid mashquul ah oo la xiriira go’aamada siyaasadda lacagta, waxaa soo baxaya go'aammada; Federal Reserve (Bangiga Dhexe ee Mareykanka), Bangiga Dhexe ee Shiinaha, Bangiga Dhexe ee Japan, iyo Bangiga Dhexe ee Boqortooyada Ingiriiska dhammaantood waxaa laga filayaa in ay sii hayaan heerka dulsaarka meesha uu joogo. Dhinaca xogaha dhaqaalaha, waxaa la filayaa in la shaaciyo warbixino muhiim ah sida:

iibka tafaariiqda iyo wax-soo-saarka warshadaha ee Mareykanka

Sicir-bararka UK

Dareenka kalsoonida dhaqaalaha ee Jarmalka (ZEW)

Wax-soo-saarka iyo iibka tafaariiqda ee Shiinaha

Xogta ganacsiga ee Japan.

🇺🇸 Warbixinnada Dhaqaale ee Mareykanka:

Waxaa la filayaa in Federal Reserve uu u daayo heerka dulsaarka fed funds sidii uu yahay. Maalgashadayaashu waxay si dhow ula socon doonaan saadaasha cusub ee dhaqaalaha iyo khudbadda Jrome Powell, si ay u fahmaan sida bangigu u fasirayo xogaha dhaqaale iyadoo lagu jiro cadaadiska ganacsi.

Waxaa la saadaalinayaa in iibka tafaariiqda hoos u dhaco 0.5% bisha May – taasi waa hoos u dhacii ugu horreeyay muddo afar bilood ah.

Wax-soo-saarka warshadaha waxaa la filayaa inuu kaco 0.1%, kadib markuu ku soo baxay eber bishii hore.

Warbixino kale oo muhiim ah:

Rukhsadaha dhismaha, guryaha cusub ee bilaabmaya, qiimaha guryaha cusub, qiimaha wax-soo-dejinta iyo wax-dhoofinta, kaydka ganacsiga iyo qulqulka maalgashiga

Kanada waxay soo saari doontaa xogta iibka tafaariiqda, guryaha la bilaabay dhismadooda, iyo qiimaha guryaha cusub.

🇪🇺 Europe (Qaaradda Yurub)

Kalsoonida macaamiisha ee "flash" waxaa la filayaa in ay wax yar korodho.

Sicir-bararka sanadlaha (CPI) waxaa la filayaa in la xaqiijiyo inuu hoos ugu dhacay 1.9%.

Jarmalka:

Tusmada dareenka dhaqaalaha ee ZEW waxaa la rajeynayaa in ay dib u soo kabato bishan kadib hoos u dhacii laba sano ee ugu xumaa bishii April.

Bangiyada Dhexe ee Yurub:

Switzerland: Waxaa la filayaa in la jaro dulsaarka 25 dhibcood (bps), waxaana la hadal hayaa suurtagalnimada in dib loogu laabto dulsaar taban (negative interest).

UK:

Bangiga Dhexe ee Boqortooyada waxaa la filayaa in uu hayn doono heerka Bank Rate ee 4.25%.

Sicir-bararka bishii May ayaa la filayaa inuu yara hoos u dhaco oo gaaro 3.4%, isagoo kasoo hoos maraya kii bishii hore ee la sheegay (3.5%) – taasoo markii dambe la saxay sabab la xiriirta xog khaldan oo ku saabsan canshuurta baabuurta.

🌏 Asia iyo Australia

Shiinaha: Xogaha dhaqaale ee dhakhso u soo baxa sida wax-soo-saarka warshadaha, iibka tafaariiqda, maalgashiga hantida go’an, iyo heerka shaqo la’aanta ayaa muujinaya in dhaqaaluhu sii liicayo bishii May. Bangiga Dhexe ee Shiinaha waxaa la filayaa in uu hayn doono heerarka amaahda ee hal sano iyo shan sano sidii ay yihiin.

Japan: Bangiga Dhexe waxaa la filayaa inuu hayn doono dulsaarka.

Xogta ganacsiga ayaa muujin karta hoos u dhac weyn oo ku yimid dhoofinta iyo wax-soo-dejinta.

Amarada mashiinnada warshadaha waxaa la saadaalinayaa in ay hoos u dhacaan ku dhowaad 10%, kadib markii ay sare u kaceen 13% bishii March.

Australia: Warbixinta suuqa shaqada ayaa la sugayaa, waxaana la filayaa in heerka shaqo la’aanta uu ku sii jiro 4.1%.

New Zealand: Waxay soo saari doontaa xogta koritaanka GDP ee rubuca 1aad ee 2025, waxaana la filayaa in dhaqaalaha uu koray 0.7%, taasoo la mid ah tii rubucii hore ee 2024. Qore: Saki Hagarlaawe | Isha Xogta: Reuters, Bloomberg iyo Forex Factory – | Juun 13, 2025, 23:11:16 PM.

Wixii talo, tusaale iyo farriin ah halkan ayaad iigu reebi kartaa: hagarlaaweacademy@gmail.com

Read more