Waa Maxay Treasury Yield? Muxuu inoo sheegaa?

Treasury yield waa faa'iidada (ama dulsaar lacageed) ee ay dowladda Mareykanku bixiso marka ay amaahato lacag iyada oo soo saareysa bonds (sida 10-year Treasury note).

Si kooban:

Waa celinta maalgashigu helo marka uu iibsado bond ay dowladda soo saartay.

Waxay muujisaa kalsoonida suuqa ee dhaqaalaha:

Haddii yield-ku kor u kaco → Maalgashadayaashu waxay dalbanayaan faa’iido badan si ay u iibsadaan bonds → Waxaa laga yaabaa in khatar dhaqaale jirto (ama sicir barar la filayo).

Haddii yield-ku hoos u dhaco → Maalgashadayaashu waxay u arkaan bonds-ku inay yihiin meel ammaan ah → Dhaqaalaha laga yaabo inuu gaabis yahay.

Tusaale fudud:

Haddii aad daymiso dowladda $1,000 muddo 10 sano ah oo ay ku siiso 4% yield (faaido dulsaar), waxaad sannad kasta ka helaysaa $40 oo dulsaar ama ribo ah, ugu dambaynna lacagtaadii ayaa laguu celinayaa (waa ribo Islaamkuna ma oggola).

Gunaanad: Treasury yield waa cabbir muhiim ah oo lagu qiimeeyo caafimaadka dhaqaalaha, sicir bararka, iyo siyaasadda lacagta ee Fed-ka.

Read more