Waa Maxay Bond (Curaar)? Suuqa Dayntu Waa Maxay
Bond waa nooc ka mid ah maalgelinta (amaahda) oo dowladda ama shirkaduhu ay bixiyaan si ay lacag ugu helaan mashruucyo ama baahiyo dhaqaale.
Marka si fudud loo dhigo:
Bond waa ballan-qaad lacag bixin: Adiga (maalgashaduhu) waxaad siisaa dowladda ama shirkad lacag, iyaguna waxay ballan qaadayaan inay lacagtaas kugu soo celiyaan muddo go’an kadib, oo ay ku darayaan dheef (interest).
Qaybaha Muhiimka ah ee Bond-ka:
1. Issuer – Cidda soo saartay bond-ka (dowlad ama shirkad)
2. Principal/Face Value – Lacagta aad siisay oo laguu celin doono marka bond-ku dhaco
3. Interest Rate (Coupon) – Heerka faa’iidada aad ka helayso
4. Maturity Date – Taariikhda laguu celinayo lacagta
Tusaale: Waxaad iibsatay bond ay dowladda Maraykanka bixisay oo ah $1,000, muddo 3 sano ah, oo leh 5% dheef (intrest) sanadkii. Sanad kasta waxaad helaysaa $50 faa’iido Marka 3 sano ay dhamaato, dowladda waxay kuu celinaysaa $1,000 kii aad siisay
Noocyada Bond-ka:
Government Bonds – Dowladda ayaa bixisa (sida T-bonds) Corporate Bonds – Shirkado gaar ah ayaa bixiya Municipal Bonds – Dowlado hoose ama degaano ayaa bixiya