Trump oo Sheegay Inay Heshiis Gaadheen Shiinaha; Sidee Ayuu Warkani u Saamayn Karaa FX?

Trump oo Sheegay Inay Heshiis Gaadheen Shiinaha; Sidee Ayuu Warkani u Saamayn Karaa FX?

Trump wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Shiinaha ay Arbacadii kala saxiixdeen heshiis la xiriira ganacsiga, taas oo u muuqata mid laga rabo in la dejiyo xiisadihii ganacsi ee soo jiray illaa iyo imaanshihii Trump ee Aqalka Cad.

๐ŸŒ Saamaynta Dhaqaale iyo Suuqa:

๐Ÿ’ด JPY (Yen-ka Jabaan): Daciifnimo

JPY waa lacag amni ah (safe haven). Wararka heshiis ganacsi oo wanaagsan โ†’ cabsi yaraatay โ†’ dadkii lacagta JPY u cararayay dib uga baxaya. Tani waxay keeni kartaa in JPY hoos u dhacdo guud ahaan.

๐Ÿ’ต USD (Doolarka Mareykanka):

Dhexdhexaad ilaa Koror Yar USD-na waa lacag safe-haven ah, sidaas darteed:

Haddii suuqu furfuro (risk-on), doolarku wuu yara daciifi karaa.

Laakiin heshiiska ganacsi wuxuu u muuqdaa guul siyaasadeed oo u fiican USD, gaar ahaan marka la barbardhigo JPY.

Sidaa darteed, USD waa laga yaabaa inay xoog yeelato marka la barbardhigo JPY.

๐Ÿ“Š Saamaynta Forex:

USDJPY: Sare u kaci karta โ€” doolarka wuu xoogeysan karaa warkan awgii, inkastoo Trump uu ku dhagan yahay guddoomiya Kaydka Federaalka ee Jrome Powell, halka JPY-na at daciifi karayso.

EURJPY, GBPJPY: Iyaguna waxay la socon karaan kororka sabab la mid ah. AUDJPY, NZDJPY: Waxay kor u kaci karaan si xoog badan maxaa yeelay waxay si buuxda uga faaโ€™iideystaan jawiga risk-on.

โœ… Gunaanad: JPY โ†’ Hoos u dhac guud (waxaa hoos u dhigaya heshiiska ganacsi iyo jawiga xasiloon).