Trump oo La Kulmay Madaxda Shirkado Waawayn

Madaxweyne Trump ayaa maanta a kulmaya madaxda sare ee shirkadaha waaweyn ee tafaariiqda sida Lowe's, Home Depot, Target iyo Walmart, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad, iyadoo hoggaamiyeyaasha ganacsigu ay dadaal ugu jiraan in ay fahmaan saamaynta canshuuraha uu madaxweynuhu saaray.
Kulanka ayaa imaanaya xilli Trump iyo kooxdiisa oo uu ku jiro Wasiirka Maaliyadda Scott Bessent, ay isku dayayaan inay heshiisyo la galaan dalal kala duwan kadib markii madaxweynuhu ku soo rogay ugu yaraan 10% canshuurahooda. Bessent ayaa sheegay inuu mudnaanta siinayo heshiisyo lala galayo ugu yaraan 12 dal oo ay Japan ka mid tahay.