Trump Ayaa Ka Codsaday Guddoomiyaha Fed Inuu Dhimo Dulsaarka, Kadib Kulan Ka Dhacay Aqalka Cad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cadaadis saaray Guddoomiyaha Federal Reserve, Jerome Powell, si uu hoos ugu dhigo heerka dulsaarka, kulankoodii ugu horreeyay ee fool ka fool ah tan iyo markii Trump xilka qabtay, sida uu sheegay Aqalka Cad.
Trump ayaa u sheegay Powell in uu aaminsan yahay in Guddoomiyaha Fed uu khalad ku jiro maadaama uusan hoos u dhigin dulsaarka, sida ay warbaahinta u sheegtay Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, Khamiistii.
Afhayeenku waxay tiri, “waxay naga dhigeysaa kuwo dhaqaale ahaan ka hooseeya Shiinaha iyo dalal kale, Madaxweynaha na wuu ka hadlay arrintaas si cad dadweynuhu u arkaan."
Leavitt waxay sheegtay inaysan ka wada hadlin haddii Trump qorsheynayo inuu Powell ka xayuubiyo xilka. Xilka Powell ee Guddoomiyaha Fed wuxuu dhacayaa May 2026.
Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan maamulka ayaa kulanka ka qeybgalay, sida Madaxweyne ku xigeenka JD Vance, Wasiirka Maaliyadda Scott Bessent, Wasiirka Ganacsiga Howard Lutnick, iyo Agaasimaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Kevin Hassett, sida uu u sheegay mas’uul ka tirsan Aqalka Cad shabakadda Bloomberg.
Fed-ka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in labada mas’uul ay ku kulmeen Aqalka Cad casuumaadda Madaxweynaha darteed. Waxay ka wada hadleen arrimo la xiriira horumarka dhaqaalaha oo ay ku jiraan koboca, shaqada, iyo sicir-bararka. Kulankoodii ugu dambeeyay wuxuu dhacay November 2019.
“Guddoomiye Powell ma uusan ka hadlin filashadiisa siyaasadda lacageed, marka laga reebo inuu carrabka ku adkeeyay in jihada siyaasadda ay gebi ahaan ku xirnaan doonto xogta dhaqaale ee imaaneysa iyo waxa ay uga dhigan tahay saadaasha,” ayuu yiri Fed-ka.
Powell wuxuu sidoo kale u sheegay Madaxweynaha in go’aamada Fed ay ku saleysan doonaan “falanqeyn taxaddar leh, daahfuran, oo aan siyaasadeysanayn,” sida lagu sheegay bayaanka. Leavitt waxay xaqiijisay saxnaanta bayaankaas.
Kulankan ayaa yimid maalmo uun kadib markii maxkamad racfaan ah ay hor istaagtay go’aan xukun maxkamadeed oo horay u joojiyay qaar ka mid ah canshuuraha Trump ku soo rogay la-hawlgalayaasha ganacsiga Mareykanka. Maxkamadda racfaanka federaalka ayaa Khamiistii sii kordhisay hakintaas, taasoo ogolaatay in canshuurahaasi weli dhaqangalaan.
Powell iyo mas’uuliyiinta Fed waxay ku adkaysteen in heerka dulsaarka aan la bedelin sanadka 2025, iyagoo sheegay in habka dulqaadka ku dhisan uu ku habboon yahay xaaladda hubanti la’aanta dhaqaale ee ay sababtay adeegsiga ballaaran ee canshuuraha uu Trump bilaabay. Siyaasiyiinta Fed waxay saadaalinayaan in canshuurahaasi ay hoos u dhigi doonaan koboca dhaqaalaha isla markaana kor u qaadi doonaan sicir-bararka.
Cadaadiska Trump
Go’aanka Fed ee ah in la sugo xaaladda ayaa dhaleecayn ka la kulmay Trump, oo si isdaba joog ah u dalbanayay in la dhimo dulsaarka, isla markaana dhaliil u jeediyay hoggaanka Powell ee bangiga dhexe. Trump wuxuu sheegay in Powell uu marar badan danbeeyo marka ay tahay in la beddelo siyaasadda lacageed, wuxuuna ugu yeeray “qof si weyn u guuldareystay,” iyo hadallo kale oo aflagaado ah.
Qoraal uu Trump bartiisa bulshada soo dhigay bishii Abriil ayaa dib u soo nooleeyay hadal heyn horey u jirtay xilligii uu xilka hayay, taasoo ahayd inuu damacsan yahay in uu Powell xilka ka qaado. Trump markii dambe wuu ka noqday fikraddaas, waxaana go’aan maxkamadda sare ee bishan la gaaray uu Fed-ka ka ilaaliyay tallaabo noocaas ah, iyadoo qeyb ka ah go’aan ballaaran oo oggolaanaya madaxweynaha in uu xilka ka qaado mas’uuliyiinta hay’adaha madax-bannaan.
Powell wuxuu si isdaba joog ah u sheegay in mas’uuliyiinta Fed aysan siyaasadeeynin go’aamada, balse ay sal u dhigaan danta guud ee dhaqaalaha. Wuxuu farriintaas mar kale ku celiyay kulankii uu la yeeshay Trump, sida uu sheegay Fed. Guddoomiyaha wuxuu yiri isaga iyo xubnaha Guddiga Suuqyada Furan ee Bangiga Dhexe (FOMC) “waxay dejin doonaan siyaasadda lacageed si waafaqsan sharciga, iyagoo taageeraya shaqo-abuurka ugu badan iyo xasilloonida qiimaha, go’aamadana waxaa lagu saleyn doonaa kaliya falanqeyn taxaddar leh, daahfuran, oo aan siyaasadeysnayn.”