Trumo oo ku handaday Midowga Yurub cashuuro hor leh

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay maanta [23-ka May 2025] in uu qorsheynayo inuu ku soo rogo 50% canshuur cusub ah dhammaan badeecadaha ka yimaada Midowga Yurub (EU) laga bilaabo 1-da Juun. Waxa uu sheegay in tani ay jawaab u tahay sida uu uga niyad jabay wadahadallada ganacsi ee u dhexeeya Mareykanka iyo EU.
Waxaa kale oo uu ku hanjabay inuu saari doono 25% canshuur ah shirkadda Apple haddii aysan u wareejin soo saarista iPhones gudaha Mareykanka. Waxa uu si gaar ah u sheegay in iPhones-ka la keeno Mareykanka aysan sii ahaan karin kuwo laga sameeyo dibadda, gaar ahaan Shiinaha.
Dhibaatooyinka iyo saameynta arrinkan:
Suuqa saamiyada Mareykanka (S&P 500) ayaa hoos u dhacay 0.9% galabta.
Qiimaha saamiyada Apple ayaa si degdeg ah u dhacay qiyaastii 2.7%.
Suuqyada Yurubna waxay la kulmeen hoos u dhac, iyadoo maalgashadayaashu u wareegeen hantida “badbaadada leh” sida dahabka, JPY CHF iyo EUR.
Xaqiiqooyinka muhiimka ah ee la xusay:
Ku dhawaad 90% iPhones hadda waxa lagu warshadeeyaa Shiinaha.
Haddii Apple ku khasbanaato inay wax-soo-saar ku yeelato Mareykanka, waxaa la qiyaasayaa in ay qaadan karto ilaa 10 sano in si buuxda loogu wareego, qiimaha iPhone-na uu gaari karo $3,500 halkii moobeel.
Jawaabta Midowga Yurub: Midowga Yurub wuxuu sheegay inay qorsheynayaan inay soo rogaan canshuuro 25% ah oo isir la ah kuwa Mareykanka, si ay u difaacaan danahooda dhaqaale. Waxaa laga cabsi qabaa in hadalladan iyo qorshayaashan ay dib u bilaabaan dagaalkii ganacsi ee caalamiga ahaa, taas oo si toos ah u saameyn karta dhaqaalaha adduunka.
Xogtaas sare ayaan galabta ku trade garaynay xilligii suuqa NEW YORK annaga oo qaadannay lacagta GOLD (XAUUSD).
Halkan ayaad ka daawan kartaa muuqaalka livestreamka.