Trump oo iska indha-tiray Israa’iil: Tel Aviv oo ka niyad jabsan, haddana shibta u baxday

Trump oo iska indha-tiray Israa’iil: Tel Aviv oo ka niyad jabsan, haddana shibta u baxday

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho dhowaan ku tegay waddamada Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qadar, isagoo gebi ahaanba aan cag dhigin Israa’iil safarkiisa. Arrintan ayaa niyad jab ku noqotay madaxda Israa’iil, inkastoo aysan si fagaare ah uga hadlin.

Intii uu booqashada ku jiray, Trump wuxuu diiradda saaray heshiisyo dhaqaale oo waaweyn iyo wada-xaajood toos ah oo uu la yeeshay kooxaha iyo dowladaha Israa’iil ka soo horjeeda sida Xamas, Suuriya iyo Iran. Tallaabada ugu layaabka badan waxay ahayd in Mareykanku si toos ah ula xaajooday Xamas si loo sii daayo Edan Alexander, oo ahaa askari Mareykan ah oo lagu soo qabtay hawlgalkii Octoobar, 7, Gaza – taasoo aan wax talo ah lagala qaadan Israa’iil.

Sidoo kale Trump wuxuu ku dhawaaqay in uu qaaday cunaqabatayntii muddada dheer saarnayd Suuriya, isagoo ugu baaqay madaxweynaha kumeel-gaarka ah ee dalkaas inuu dib u hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Israa’iil. Intaas waxaa dheer, Mareykanku wuxuu heshiis $600 bilyan ah la saxiixday Sacuudi Carabiya – taasoo muujinaysa in siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay xoogga saarayso danaha dhaqaale ee Khaliijka halkii ay ka ahaan lahayd amniga Israa’iil. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa weli ka gaabsanaya inuu si cad u cambaareeyo arrimahan, sababo la xiriira cadaadis siyaasadeed gudaha ah iyo isir-sifaynta ka socota marinka Gaza. Khubaro badan ayaa sheegaya in xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil uu bilaabay kala shaki – iyadoo Mareykanka uu hadda siyaasadda ku salaynayo ganacsi, halka Israa’iil ay weli ku dheggan tahay qaadidda dullaanno hor leh oo ay ku curyaaminayso gobolka, daahna uga dhigayso xas**qa ka socda Qasa. Inkasta oo Mareykanku sheegay in xiriirka uu la leeyahay Israa’iil uu weli yahay mid adag, haddana tallaabooyinkii ugu dambeeyay waxay muujinayaan in Mareykanku dib u eegis ku samaynayo xidhiidhkiisa gobolka, taasoo Israa’iil u tahay caqabado cusub oo ay tahay inay inanay xammili karin, maaddaama aanay hal maalin dagaallami karin bambooyinka Marayknaka la'aantood.

Read more