Trump oo Cashuurihii 90-maalin Dib u Dhigay iyo Suuqyadii oo Cirka Galay

Trump oo Cashuurihii 90-maalin Dib u Dhigay iyo Suuqyadii oo Cirka Galay

Suuqyada Maraykanka oo kor u kacay kadib marki Madaxweyne Trump uu shaaciyay hakinta canshuuro aad muhiim u ahaa.

Suuqyada saamiyada Mareykanka ayaa si weyn sare ugu kacay maanta Arbacada fiidkeeda, kadib marki Madaxweyne Donald Trump fariin uu baraha bulshada soo dhigay ku sheegay in uu oggolaaday hakin 90-maalmood oo uu usameeyay canshuuro gaar ah oo saameynaya ganacsiga dalal aad u fara badan.

Qiimaha saamiyada ayaa kor u kac sameeyay, iyadoo saamiyadu ay dib uga soo kabsadeen hoos u dhackii hore ee maanta illaa shalay. Balse goor dhaweyd oo ku beegneyd 8-dii fiidnimo waqtiga Geeska Afrika, fariinta Trump ee Truth Social waxay sare u qaaday saddexda suuq ee u waaweyn, taas oo u rogtay suuqyada maalin ka mid ah kuwii ugu wanaagsanaa ee la diiwaangeliyo.

"Wax ka badan 75 dal oo isoo wacay ayaan ku waabsaday in aanay jawaab ka bixin cashuurahayga wayna ka baaqsadeen. Sidaad darteed waxaan dib u hakiyay cashuurihii dhammaan muddo 90 maalmood ah, waxaa kaliya soconaysa cashuurta aasaasiga ah oo 10% ah", ayuu yiri Trump caawa.

Trump ayaa horey ugu baaqay in dadku is dajiyaan, halka Wasiirka Maaliyadda Scott Bessent uu bangiyada u sheegay in “dhaqaalaha uu ku sugan yahay xaalad wanaagsan.”

Canshuurihii Trump ee ku wajahnaa ku dhowaad 100 dal ayaa dhaqan galay xalay, taas oo ay ku jirtay canshuur 104% ah oo lagu soo rogay badeecadaha Shiinaha. Arbacadii Beijing waxay sheegtay in ay sare u qaadayso canshuuraha lagu soo rogo badeecadaha Mareykanka ilaa 84%, iyada oo horay u ahayd 34%. Trump ayaa mar kale ku qoray baraha bulshada in uu kordhiyay canshuurtii Shiinaha la saaray ilaa 125%, "waana dhaqan gashay isla markiiba."

Waxaa sidoo kale la hadal hayay hoos u dhaca qiimaha Deymaha Dawladda Mareykanka (U.S. Treasurys). Dulsaarka 10-sano ah ayaa gaaray ilaa 4.47% Arbacadii, kahor intaan uu hoos u dhicin kadib marki ay si weyn u iibsadeen maalgeliyayaashu.

Si kastaba ha ahaatee maalgeliyeyaasha waxay muujiyeen walaac ku saabsan haynta deymaha muddada dheer ka hor inta aan la qaban xaraashyada dawladda ee Arbacada iyo Khamiista. Walaacaan ayaa qayb ka noqday hoos u dhaca saamiyada caalamka, iyadoo suuqyada Japan ay hoos u dhaceen 3.9%, halka kuwa Yurub ay dhaceen ku dhawaad 3%.

Trump ayaa Talaadadii sheegay in canshuuraha lagu soo rogi doono dawooyinka la keeno dibadda lana shaacin doono dhowaan. Saamiyada shirkadaha dawooyinka sida Merck iyo Pfizer ayaa hoos u dhacay 3% subaxnimadii Arbacada.

Isbeddeladii ugu dambeeyay:

Suuqyada saamiyada Mareykanka ayaa si xowli ah kor ugu kacay. Nasdaq wuxuu kordhay ku dhawaad 9%, S&P 500 wuxuu kacay 8%, halka Dow Jones uu sare u kacay 6%.

Qiimaha Doolarka Mareykanka ayaa hoos u dhacay, iyadoo hoos u dhaca uu sii socday tan iyo bishii Janaayo. Bangiga Deutsche Bank ayaa sheegay in ganacsigii usbuucii la soo dhaafay uu muujiyay "jab ku yimid qiimaha hantida Mareykanka." Bangiga England wuxuu sheegay in khatarta hoos u dhacyo waaweyn ay wali sarreyso.

Qiimaha dahabka ayaa sare u kacay. Heshiisyada joogtada ah ee macdantaas qaaliga ah, oo loo arko meel lagu nabad galo, ayaa gaadhay ilaa $3,100 halkii wiqiyad (troy ounce).

Qiimaha saliidda Brent oo ah cabbirka saliidda caalamiga ah, ayaa hoos u dhacday ilaa heerkii ugu hooseeyay afartii sano ee la soo dhaafay, taas oo muujineysa walaaca suuqyada iyo cabsi laga qabo mustaqbalka dhaqaalaha.

Shirkadda Vanguard waxay hoos u dhigtay saadaasheeda kobaca GDP-ga Mareykanka ee 2025 ilaa wax ka yar 1%, taas oo ah qiyaastii 1% hoos uga dhacday saadaashii hore. Saadaasha cusub waxay ku saleysan tahay mala-awaal ah in Trump uu dib uga noqon doono qaar ka mid ah canshuurihiisa

Dibloomaasiga ugu sareeya ee lacagta Japan ayaa ballan qaaday in uu ilaalin doono xasilloonida nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah, isagoo sheegay in Tokyo ay iskaashi la sameyn doonto dalalka kale si loo wajaho canshuuraha Mareykanka.

Xigasho: WSJ, Bloomberg iyo Reuters

Read more