Trump oo Bilaabay Dagaal Dhaqaale oo Caalami Ah

Trump oo Bilaabay Dagaal Dhaqaale oo Caalami Ah

Subax wanaagsan.

Suuqyada Maraykanka iyo guud ahaan caalamka ayaa isu diyaarinaya maalin mashquul iyo walwal badan, maaddaama maanta galinka dambe uu Trump ku dhawaaqi doono cashuuraha uu ku soo rogayo dalalka ganacsiga la leh Maraykanka.

Dhammaan suuqyada ayuu warkani saamayn doonaa, haba ugu darnaadeen suuqa Stocks iyo Forex e. Walwalka waxa keenaya ayaa ah in aan la ogayn waddamada uu gaar diiradda u saarayo, kuwa uu cashuurta qayb ka dhaafayo, waaxyaha uu cashuurta ku badinayo iyo kuwa uu ka dhimayoba.

WSJ ayaa ku warramay in aan illaa hadda la diyaarin cashuuraha dhabta ah, maaddaama illaa iyo hadda la waayay cid saadaalin karta waxa soo aaddan. Wargaysada qaar ayaa iyana sheegaya in Madaxwaynuhu go'aan ku qaatay in uu cashuuro waddan walba inta uu cashuuro badeecooyinka uga dhoofa Maraykanka. Tusaale; haddii Ingiriisku cashuuro alaabaha Maraykanka ka yimaada 25%, Maraykankuna wuxuu cashuuri doonaa alaabaha iyo badeecooyinka ka yimaada Ingiriiska isla 25%.

Wargaysyada qaar ayaa iyana qoraya in badeecadaha Shiinaha ka yimaadda la cashuuri doono 60%, halka waddamada kale lagu soo rogi doono 20%, (taasina waa dagaal toos ah oo ka dhex bilaaban doona Maraykanka iyo Shiinaha maaddaama Shiinuhu yahay waddanka u wayn ee ganacsiga u badan la leh Maraykanka).

Si kastaba ha ahaatee arrinkani aad buu u saamayn karaa suuqa Forex, isaga oo qiimaha USD kor u qaadi kara, sidoo kale daciifin kara. Waxaa la filayaa haddii uu Trump cashuuro talantaalli ah kusoo rogo dhammaan wadammada inay DXY ka dhigi karto mid kor u kacd!, sababta oo ah waxay arrinkaasi horseedaysaa in sicir-bararka (CPI) kororto, isla markaana Bangiga Dhexe uu dallaco dulsaarka. Haddiise waddama qaar la target gareeyo waxay sababi kartaa dagaal dhaqaale oo aan u wanaagsanayn DXY.

Sida ay ku warrantay Bloomberg, waxa uu bangiga wayn ee Goldman Sachs sheegay in uu khatarta iskaga (Hedge) garaynayo inuu iibsado lacagta JPY, sababta oo ah JPY waa lacagaha xilliyada dhibaatada lagu cararo oo la maalgashado.

Dhanka kale cashuurahan waxay hoos u ridi karaan EUR, GBP, AUD, iyo CAD haddii ay ku soo baxan siyaasad u xun waddammadooda.

Dahabku waxa uu joogaa meel aad u sarraysa isaga oo wax yar ka soo noqday ALL TIME HIGHs kii uu gaadhay usbuucan. Waxaa la filayaa haddii xaalad adag ay soo kororto in Dahabku sii socon doono oo uu gaadhi karo heerkii uu saadaaliyay Bangiga Goldman Sachs toddobaadkii hore, $3,300.

Shidaalku kor ayuu u kici karaa haddii dagaal dhaqaale bilowdo. Suuqyada saamiyada iyo tusmooyinka sida; SP500, US30 iwm aad ayay dhaqaaq u yeelan doonaan, waxayna sugayaan iclaamka kama dambaysta ah.

Crypto haddii ay khatar dhacdo, xaaladduna xumaato hoos ayay aadaysaa, haddiise xaalad wanaagsan la soo sheego dagaal dhaqaalena laga baaqsado kor ayay u kici kartaa.

Ugu dambayn; Trump wuxuu hadli doonaa caawa xilliga Soomaaliya kolka ay tahay 10:00 fiidnimo. Inta ka horraysa Tradeska iska yaree ama haba Trade garayn, waayo way adag tahay in suuqu dhaqaaqo ka hor dhacdada wayn ee la sugayo.

Maalin wanaagsan!