Trump Ayaa Dhimaya Cashuuraha China Saaran Kahor Wadahaddalada Toddobaadkan

Dowladda Mareykanka ayaa ka fiirsaneysa qorshe ay ku dhimi karto canshuuraha ay saartay badeecooyinka Shiinaha laga keeno, iyadoo laga yaabo in la dhigo heer u dhexeeya 50% ilaa 54%, halkii ay ka ahaayeen 145%, sida laga soo xigtay warbixin ay daabacday New York Post.
Qorshahan ayaa la filayaa in la hirgeliyo toddobaadka soo socda, iyadoo la doonayo in lagu yareeyo xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa labada dal. Tallaabadan ayaa sidoo kale la xiriirta wada-hadallo heer sare ah oo lagu wado in ay ka dhacaan Switzerland, iyadoo la rajeynayo in la gaaro heshiisyo ganacsi oo cusub.
Ganacsatada waaweyn ee Mareykanka sida Walmart, Target, iyo Home Depot ayaa la sheegay in ay la kulmeen Aqalka Cad, iyagoo ka codsaday in la dhimo canshuuraha si loo yareeyo kharashaadka kordhay ee badeecooyinka. Inkastoo canshuuraha la dhimayo ay weli sare u yihiin qiimaha badeecooyinka, haddana waxaa la filayaa in ay ka sahlan yihiin heerkii hore ee 145%.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in canshuuraha la saaray badeecooyinka laga keeno dalalka Koonfurta Aasiya sida Vietnam iyo Bangladesh ay hoos ugu dhacaan ilaa 25%. Tallaabadan ayaa la rajeynayaa in ay dhiirrigeliso wada-hadallo ganacsi oo dheeraad ah iyo xasilooni dhaqaale.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horey u sheegay in uusan hoos u dhigi doonin canshuuraha 145% ee la saaray badeecooyinka Shiinaha, isagoo ku adkeysanaya in Mareykanka uusan dhimi doonin si loo wada hadlo.