Toddobaadkii Tagay; Maxaa Suuqa Forex Dhaqaajinayay? Dib-u-eegis (12-16, May, 2025)

Sidan ayay ku dhammaysteen lacagaha u waawayn suuqa Forex tusmadoodu;
πΊπΈ DXY: +0.33%, πͺπΊ EXY: -0.80%, π¬π§ BXY: +0.03%, π¨π SXY: -0.82%, π―π΅ JXY: -0.37%, π¨π¦ CXY: -0.43%, π¦πΊ AXY: +0.00%, π³πΏ ZXY: -0.32%
Toddobaadkii dhamaaday May 16 wuxuu ahaa mid mashquul badan oo saameyn xooggan ku yeeshay suuqyada Forex-ka, iyadoo xogaha sicir-bararka, shaqada, iyo hadallada madaxda bangiyada dhexe ay saameeyeen lacagaha waaweyn ee caalamka. Doolarka Mareykanka ayaa ahaa mid ka mid ah lacagaha ugu adkeysiga badan, inkastoo xogta sicir-bararka ay hoos u dhacday. CPI-da bisha iyo sanadkuba waxay ahaayeen kuwo hooseeya, taasoo muujinaysa in cadaadiska sicir-bararka uu si tartiib ah u sii yaraanayo. Sidoo kale, PPI-ga oo muujinaya qiimaha alaabta jumlada ayaa ahaa -0.5%, taasoo mar kale soo jeedinaysa hoos u dhac baahsan oo ku yimaada qiimaha.
Hase yeeshee, Doolarka Mareykanka ma daciifin. Waxay ahayd xogta iibka tafaariiqda ee korortay 0.1% iyo weliba dareenka suuqa oo taxaddaraya ayaa taageeray USD. Inkastoo dareenka macaamiisha ee jaamacadda Michigan uu si weyn hoos ugu dhacayβoo gaaray 50.8βUSD ayaa la arkay inuu kor u kacay 0.33% toddobaadkan, iyadoo la dareemayo inay USD tahay goob badbaado maalgashi ah marka la barbardhigo lacagaha kale ee waaweyn.
Ingiriiska wuxuu toddobaadkan la yimid xog shaqo oo ka wanaagsan la filayay, iyadoo tirada dadka shaqo-doonka ah ay ahayd 5.2K, taasoo si weyn uga hoosaysa saadaasha. Waxaa sidoo kale jiray koboc yar oo GDP ah (0.2%), taasoo muujinaysa in dhaqaalaha UK uu si tartiib ah u soo kobcayo. Si kastaba, saameynta guud ee Giniga Ingiriiska ma aysan noqon mid xooggan, waxaana isbeddelka GBP uu ahaa mid aan la dareemin β isagoo ku dhammaaday kor u kac kaliya ah +0.03%.
Australia ayaa ahayd lamafilaanka toddobaadka, iyadoo ay si lama filaan ah shaqo abuurka u korodhay 89,000 β taasoo si weyn uga sarraysay saadaasha. Sidoo kale, mushaarka ayaa kor u kacay 0.9%. Si kastaba, Dollarka Australia (AUD) wuxuu ku dhammaystay meeshuu ka furmay isagoo aan dhaafsiisnayn 0.0% sababtoo ah xaaladda guud ee suuqa iyo USD xooggan ayaa xadiday suurtagalnimada koror dheeraad ah.
Dhanka kale, lacagaha kale ee waaweyn waxay la kulmeen cadaadis. Euro-ga ayaa hoos u dhacay 0.80%, iyadoo aysan jirin wax dhiirigelin ah oo kasoo yeertay Yurub. Franc-ga Swiss-ka iyo Yen-ka Japan waxay labaduba daciifeen iyadoo kalsoonidii lagu qabay lacagaha badbaadada ay yaraatay. Lacagaha kale ee ku tiirsan alaabta ceeriin sida Dollarka Kanada iyo New Zealand Dollar iyaguna hoos ayay u dhaceen, iyadoo suuqyada alaabaha ceeriin aysan keenin koboc ama xasillooni.
Gebogabadii, toddobaadkan wuxuu ahaa mid calaamad u ah taxaddarka suuqyada oo ka fiirsanaya cashuuraha China iyo Maraykan ee la hakiyay 90 maalmood iyo dadaallada bangiyada dhexe. Inkasta oo xogaha dhaqaalaha ay si is diiddan u soo baxeen, Doolarka Mareykanka ayaa weli u muuqda mid hogaanka haya, halka lacagaha kale ay u baahan yihiin dhiirrigelin cusub si ay u soo kabtaan.