Timeline; Cashuuraha Trump iyo dhacdooyinkii u waawaynaa

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Janaayo 20, Madaxweyne Donald Trump wuxuu qaaday go'aanno is-daba joog ah oo ku saabsan canshuuraha badeecooyinka, kuwaasoo marba si ah u dhacey — marna si lama filaan ah u dhaqan galay, marna la joojiyay. Tani waxay la yaab ku noqotay suuqyada maaliyadeed waxayna keentay hubanti la’aan dhaqaale caalami ah.
Halkan hoose ka akhri is-bedbedeladii muhiimka ahaa ee arrintan:
Febraayo 1 – Trump wuxuu canshuur 25% ah ku soo rogay badeecooyinka laga keeno Mexico iyo inta badan Kanada, iyo 10% alaabaha Shiinaha ka yimaada, isagoo ku dalbanaya inay xakameeyaan tahriibayaasha iyo fentanyl-ka sharci darrada ah ee u gudbaya Maraykanka.
Febraayo 3 – Wuxuu hakiyay hanjabaadii Mexico iyo Kanada, isagoo aqbalay 30 maalmood oo nasasho ah si heshiis looga gaaro amniga xuduudaha. Lama gaarin heshiis la mid ah oo lala galo Shiinaha.
Febraayo 7 – Trump wuxuu dib u dhigay canshuuraha ku saabsan xirmooyinka jaban ee laga keeno Shiinaha ilaa Waaxda Ganacsiga ay xaqiijiso habraacyada iyo nidaamyada canshuur ururinta.
Febraayo 10 – Wuxuu sare u qaaday canshuuraha birta iyo aluminium-ka ilaa 25% dhammaan, iyada oo aan wax ka-reeb ah jirin.
Maarso 3 – Wuxuu sheegay in canshuuraha 25% ah ee alaabta laga keeno Mexico iyo Kanada ay dhaqan galayaan Maarso 4, wuxuuna labanlaabay kuwa fentanyl la xiriira ee Shiinaha laga keeno ilaa 20%.
Maarso 5 – Trump wuxuu dib u dhigay hal bil canshuuraha qaar ka mid ah baabuurta laga keeno Kanada iyo Mexico kadib wicitaan uu la yeeshay madaxda GM, Ford iyo Stellantis.
Maarso 6 – Alaabta ka timaada Kanada iyo Mexico waxaa si ku-meelgaar ah looga reebay 25% canshuuraha iyadoo lagu salaynayo heshiiska ganacsi ee Waqooyiga Ameerika.
Maarso 26 – Wuxuu ku dhawaaqay canshuur 25% ah oo lagu soo rogay baabuurta iyo gaadiidka fudud ee la keeno dibedda.
April 2 – Trump wuxuu soo bandhigay canshuur guud oo ah 10% dhammaan badeecooyinka la keeno, iyo canshuuro sare oo gaar ah oo lagu beegsanayo dalalka ganacsiga weyn ee Maraykanka la leh.
April 9 – Wuxuu hakiyay 90 maalmood inta badan canshuuraha cusub ee dalka-dalka u gaarka ahaa, kadib markii suuqyada maaliyadeed ay ku dhacday kacsanaan weyn oo malaayiin doolar ka baabi’isay suuqyada saamiyada.
Canshuurta guud ee 10% ah ee badeecooyinka oo dhan weli way sii jirtaa.
Wuxuu sheegay inuu sare u qaaday canshuurta badeecooyinka Shiinaha laga keeno ilaa 125%, taasoo markii hore ahayd 104%, si kor loogu qaado culeyska canshuuraha gaarka ah ilaa 145%.
April 13 – Wuxuu oggolaaday in laga reebo canshuuraha sare taleefannada casriga ah, kombuyuutarada iyo qalab kale oo badan oo laga keeno Shiinaha.
April 22 – Maamulka Trump wuxuu bilaabay baaritaanno qaran oo amni ku saabsan dawooyinka iyo semiconductors-ka, si loogu daro canshuuraha qaybahaas.
May 4 – Trump wuxuu canshuur 100% ah ku soo rogay dhammaan aflaanta dibedda laga soo saaro.
May 9 – Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer waxay ku dhawaaqeen heshiis ganacsi oo xaddidan, balse 10% canshuuraha alaabta UK weli way sii soconayaan. Waxaa la furay suuqyada dalagga, iyo hoos u dhigista canshuuraha baabuurta UK ee Maraykanka la dhoofiyo.
May 12 – Maraykanka iyo Shiinaha waxay ku heshiiyeen inay si ku-meelgaar ah u yareeyaan canshuuraha labada dhinac. Maraykanku wuxuu hoos u dhigay canshuurta alaabta Shiinaha laga keeno ilaa 30% (oo markii hore ahayd 145%), halka Shiinaha uu hoos u dhigay tan Maraykanka laga keeno ilaa 10% (oo markii hore ahayd 125%).
May 13 – Maraykanku wuxuu yareeyay canshuurta “de minimis” ee alaabta jaban ee Shiinaha laga keeno, isagoo hoos u dhigay ilaa 54% badeecooyinka qiimahoodu ka yar yahay $800, oo markii hore ahayd 120%.