Suuqa shaqada Mareykanka ayaa muujinaya daciifnimo; faa'iidada shirkadaha ayaa hoos u dhacday si aan horay loo arag tan iyo 2020

Suuqa shaqada Mareykanka ayaa muujinaya daciifnimo; faa'iidada shirkadaha ayaa hoos u dhacday si aan horay loo arag tan iyo 2020

Tirada codsiyada cusub ee dadka shaqo la’aanta ah ayaa kor u kacday in ka badan intii la filayay toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo calaamad u ah in suuqa shaqada Mareykanka uu sii dabacsanaanayo. Isla markaana, faa’iidada shirkadaha ayaa hoos u dhacday si baaxad leh rubucii hore ee 2025 – hoos u dhacii ugu weynaa tan iyo xilligii cudurka COVID-19.

Tirada dadka dalbanaya kaalmo shaqo la’aan waxay korodhay 14,000, iyadoo gaartay 240,000 usbuucii dhammaaday May 24, sida ay sheegtay Wasaaradda Shaqada Khamiistii. Khubarada dhaqaalaha waxay filayeen 230,000. Tirada dadka wali hela kaalmooyinka (continuing claims) ayaa iyana kor u kacday 26,000 oo gaartay 1.919 milyan – heerkii ugu sarreeyay tan iyo November 2021.

Kobacaas wuxuu ka tarjumayaa in shaqo ka eryiddu ay badanayso, gaar ahaan gobolka Michigan, halkaas oo shirkadaha baabuurta samaynaya ay bilaabeen shaqo joojin. Tani waxay waafaqsan tahay warbixintii bishii April ee suuqa shaqada, taasoo muujisay in dadka shaqo la’aanta ah ay badnaayeen, muddada ay shaqo la’aanta yihiinina ay korodhay.

Faa’iidada guud ee shirkadaha Mareykanka waxay hoos u dhacday $118.1 bilyan rubucii u horreeyay ee sanadkan, kadib koror weyn oo ahaa $204.7 bilyan rubucii hore. Hoos u dhaca waxaa sabab u ahaa kororka kharashaadka, oo ay keeneen canshuuraha ganacsiga ee uu dhaqangeliyay Madaxweynaha Trump, kuwaasoo abuuray jahwareer iyo cabsi ganacsi.

Sidaa darteed, shirkado badan oo waaweyn – sida kuwa diyaaradaha, tafaariiqda, iyo kuwa gawaarida – waxay joojiyeen bixinta saadaashooda dakhliga ee sannadka intiisa haray, iyagoo ka baqaya saameynta siyaasadaha ganacsi ee aan la saadaalin karin.

Bankiga Dhexe ee Maraykanka (Federal Reserve) ayaa sheegay in jahawareerka siyaasadaha ganacsi uu khatar ku yahay shaqo abuurka iyo xasilloonida sicirka.


La soco Hagarlaawe.net iyo channel-ka Telegram-ka Hagarlaawe HMM si aad ula socoto warbixinnada waqtiga-dhabta ah ee ay dhacayaan, falanqeynta suuqyada, iyo si toos ah ula falgalka ganacsiga oo af-Soomaaliga ah.


Read more