Suuqa Saamiyadu Waa Maxay?

Suuqa saamiyadu waa meel (ama nidaam dhijitaal ah) oo lagu kala iibsado saamiyada shirkadaha, taasoo dadka u suurtagelisa inay maal gashadaan shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryar.

Si kooban: Suuqa saamiyadu waa goobta ay dadku ku iibsadaan ama ku iibiyaan saamiyada shirkadaha si ay faa’iido uga helaan kobaca shirkadahaas ama kororka qiimaha saamiga shirkaddaas.

Shirkadaha u waawayn suuqa waxaa ka mid ah; shirkadda iPhoneka samaysa APPLE, shirkadda Facebook leh META, shirkadda AMAZON iwm.

Erayo Muhiim ah:

Saami (Stock/Share): Waa qayb ka mid ah shirkad aad leedahay. Haddii aad leedahay 1% shirkad, waxaad leedahay 1% faa’iidada iyo khasaaraha ku dhaca shirkaddaas.

Suuqa Saamiyada (Stock Market): Waa meesha lagu kala iibsado saamiyada. Tusaale ahaan: New York Stock Exchange (NYSE), Nasdaq, ama Nairobi Securities Exchange.

Maalgashi (Investment): Marka aad lacag ku maalgeliso shirkad si aad faa’iido uga hesho.

Sidee ayuu u shaqeeyaa?

1. Shirkad weyn ayaa go’aansata inay lacag hesho, waxayna bixisaa saamiyo.

2. Dadka ama hay’adaha ayaa iibsada saamiyadaas.

3. Qiimaha saamigu wuu korayaa ama hoos ayuu u dhacayaa iyadoo ku xiran waxqabadka shirkadda iyo suuqa guud.

4. Maalgashaduhu wuxuu faa’iido ka helaa laba siyaabood: Qiimaha saamiga oo kora iyi Faa’iido qaybsi (dividend) haddii shirkaddu bixiso.

Read more