DXY oo hoos u dhacday, JPY iyo Gold oo kor u kacay iyo sharciga cashuuraha ee Trump oo isha lagu hayo

DXY oo hoos u dhacday, JPY iyo Gold oo kor u kacay iyo sharciga cashuuraha ee Trump oo isha lagu hayo
Madaxwaynaha Maraykanka Donald J. Trump

Suuqyada saamiyada Mareykanka ayaa si yar hoos ugu dhacay halka dulsaarada bonds-ka dowladda (Treasury yields) ay sare u kaceen, iyadoo maalgeliyayaashu si weyn isha ugu hayaan hindise sharciyeed cusub oo lagu dhimayo canshuuraha, kaasoo ay wadaan Madaxweyne Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga.

Sharcigan oo loogu magac daray "One Big Beautiful Bill Act", waxa uu doonayaa in la kordhiyo dhimista canshuuraha ee 2017 la dhaqangaliyey, iyadoo sidoo kale la keenayo canshuur-dhimid cusub oo quseeya gunnooyinka (tips) iyo saacadaha dheeraadka ah ee shaqada (overtime).

Dhibaatooyinka jira:

Waxaa jira khilaaf gudaha xisbiga Jamhuuriga ah—xildhibaannada qaar waxay rabaan in la kordhiyo dhimidda caahuuraha, halka kuwa dhexdhexaadka ah ay ka cabsi qabaan waxyeelada ay ku yeelan karto adeegyada sida caymiska caafimaadka iyo canshuuraha kale ee maxalliga ah.

Daynta Mareykanka oo markii hore la daalaa dhacaysay deyn gaareysa $36 trillion ayaa lafilayaa in xeerkani uu ku sii kordhiyo $3-$5 trillion.

Hay’adda Moody’s ayaa dhowaan hoos u dhigtay heerka amaahda Mareykanka iyadoo ka digtay khatarta deynta sii kordheysa.

Saameynta suuqa:

24kii saac ee u dambeeyay iyo isbeddelada ku yimid suuqyada;

  • GBPUSD iyo EURUSD labaduba kor ayay u kaceen, taasoo muujinaysa daciifnimo yar oo ku timid doollarka Mareykanka.
  • DXY (Dollar Index) hoos ayuu u dhacay (-0.31%), taasoo la jaanqaadaysa kororka GBP iyo EUR.
  • USDJPY iyo GBPJPY labaduba hoos bay u dhaceen, taasoo muujinaysa xoogaa xoog ah oo kasoo muuqda Yen-ka Jabbaanka.
  • BTCUSDT (Bitcoin) waxat kortay 0.33% waxayna marayaa $105,919.
  • XAUSD (Gold) si xoog leh ayuu u kacay (+1.84%), taasoo ah calaamad kale oo muujinaysa in dadku u leexdeen hantida badbaadada (save heaven)
  • SP500 hoos ayay u dhacday (-0.67%), taasoo tilmaamaysa walaac suuqa ka jira.
  • JPYBASKET iyo EURJPY labaduba waa kor u kaceen, taasoo muujinaysa xoogaa koror ah oo ku yimid Yen-ka iyo EUR-da.
  • Dulsaarka Treasury-ga 30-sano ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay muddo 18 bilood ah, isagoo kor u dhaafay 5%.

Madaxweyne Trump ayaa tagay Capitol Hill si uu xildhibaanada Jamhuuriga ugu booriyo inay isugu tagaan hindisahan, isagoo uga digay in kuwa diida laga saari doono xisbiga.


Suuqa maaliyadeed ayaa si dhow u eegaya sharcigan maadaama uu saameyn weyn ku yeelan karo dhaqaalaha Mareykanka iyo heerka kalsoonida maalgashadayaasha ee mustaqbalka.

Read more