Suuqa Dahabka oo Hoos u Dhacay In Ka Badan 2% Kaddib Heshiiska Canshuur-Dhimista ee Maraykanka iyo Shiinaha
Qiimaha dahabka ayaa hoos u dhacay in ka badan 2% Isniintii kaddib markii Maraykanka iyo Shiinahu ay ku dhawaaqeen heshiis kumeelgaar ah oo lagu dhimayo canshuuraha ay labada waddan isugu jawaabeen, taasoo keentay in maalgashadayaashu u jeestaan suuqyada halisa (risky assets).
Qiimaha dahabka ee suuqa furan ayaa hoos u dhacay 2.6% isagoo gaaray $3,237 halkii wiqiyad.
Maxaa sababay hoos u dhaca?:
Kororka kalsoonida maalgashadayaasha, Doolarka Maraykanka oo xoogaystay iyo ibka dahabka oo yaraaday sababo la xiriira baahida hoos u dhacday ee “safe haven”-ka.
Heshiiska cusub muxuu dhigayaa?:
In Maraykanku uu canshuuraha alaabta Shiinaha ka dhimo 145% oo ki cashuuro 30%, Shiinuhuna uu canshuuraha alaabta Maraykanka ka dhimo 125% ilaa 10%.
Tani waxay kor u qaadday saamiyada caalamka iyo doolarka Maraykanka, taasoo sii xoojisay hoos u dhaca dahabka.
Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in qiimaha dahabku uu hoos u sii dhici karo dhowrka toddobaad ee soo socda, iyadoo meel laga celin karo laga filayo agagaarka heerka $3,200. Maalgashadayaashuna waxay indhaha ku hayaan xogta CPI ee soo bixi doonta si loo odoroso talaabada xigta ee Fed.
-Xigasho Reuters