Subax wanaagsan. Maxaa dhaqaajinaya suuqa Forex maanta oo Jimce ah?

Suuqyada Aasiya waxay saaka u furmeen si taxaddar leh, iyaga oo falanqeynaya xog adag oo ka timid Japan, tirooyin liita oo Australia ka yimid, iyo welwel cusub oo ku saabsan canshuuraha Maraykanka.
Jabaan: Qiimaha Tokyo Core CPI wuxuu gaaray 3.6%, isagoo ka sarreeya filashada, taasoo muujinaysa in sicir-bararku weli jiro. Iibka tafaariiqda ayaa kordhay 3.3% sannadkii la soo dhaafay, taasoo muujinaysa baahi gudaha ah oo xooggan. Laakiin wax-soo-saarka warshadaha ayaa hoos u dhacay -0.9%, taasoo tusinaysa daciifnimo soo korodhay oo warshadaha ah. Yen-ka Jabaan ayaa Assian Session kor aad kor u aaday, balse markii dambe soo noqday, iyadoo suuqyadu sugayaan talaabada xigta ee Bangiga Dhexe ee Japan.
Australia: Dhaqaalaha Australia wuxuu muujiyay niyad-jab. Iibka tafaariiqda wuxuu si lama filaan ah u dhacay -0.1%, halka oggolaanshaha dhismayaasha uu hoos u dhacay -5.7%. Laakiin amaahda gaarka loo leeyahay ayaa kor u kacday 0.7%, taasoo tahay iftiin yar oo rajo leh. Doolarka Australia xoogaa ayuu hoos u dhacay, iyadoo la filayo in la dhimo sicirka dulsaarka.
Maraykanka: Khudbadda xubin ka tirsan FOMC Logan wax cad kama bixin siyaasadda lacagta, balse xog cusub ayaa muujinaysa in shaqo la'aantu korodhay. Waxaa intaas sii dheer, maxkamad sare oo Maraykan ah ayaa dib u soo celisay canshuurihii ballaarnaa ee uu Trump soo rogay, inkastoo maxkamad rafcaan ay dib u hakisay tallaabadii cashuurta lagu joojiyay, taasoo xasuusisay suuqyada halista siyaasadda ganacsiga Maraykanka.
Guud ahaan, suuqyada Aasiya waa daggan yihiin, iyadoo ganacsatadu eegayaan isbeddellada sicir-bararka, hoos u dhaca dhaqaalaha, iyo jahwareerka canshuuraha Maraykanka.
📉 Dulucda Maanta: Kala duwanaanta sicir-bararka iyo hubanti la’aanta siyaasadda ayaa suuqyada hortaagan, balse dhaqaaq ayuu suuqu samaynayaa, Gold iyo JPY waxay u eegyihiin kuwo dhaqaaq iyo koru kac xooggan isu diyaarinaya maanta oo Jimce ah, halka USD ay hoos u dhaca sii wadan karto. — Warbixinta Subaxnimo ee Hagarlaawe