Sidee Ayay Suuqyada FX, Crypto & Stocks u Dhaqaaqeen?

Sidee Ayay Suuqyada FX, Crypto & Stocks u Dhaqaaqeen?

Suuqyada maaliyadeed ayaa maanta muujinaya dhaqdhaqaaqyo muhiim ah, iyadoo Tusmada Doolarka Mareykanka (DXY) ay kor u kacday 0.77% una gaartay 100.638, taasoo muujinaysa xoogga ballaaran ee doolarka kadib heshiiskii UK & Maraykanka.

Lammaaneha lacagaha waaweyn sida EUR/USD ayaa hoos u dhacay 0.68%, halka GBP/USD uu hoos u dhacay 0.29%, iyadoo cadaadis kaga yimid kororka doolarka iyo GBP oo dulsaarkeeda la dhimay.

Dhanka kale, USD/JPY ayaa sare u kacay 1.43% gaadhayna heerka 145.88, halka GBP/JPY au kor u kacday 1.13% gaadhayna 193.31, iyadoo yen-ku uu daciifay guud ahaan, Yen Basket (JPYBASKET) hoos u dhaca u badanna samaysay 1.88%.

Suuqa bonds-ka, lacagta dulsaarka 10-sano ee Mareykanka ayaa kor u kacday 2.39% gaadhayna 4.37%, halka dulsaarka 2-sano uu sare u kacay 3.17% gaadhayna 3.90%, taasoo muujinaysa filashooyin kordhay oo ku aaddan siyaasado lacageed oo dulsaar sare ah iyo hakintii dulsaarka Maraykanka ee shalayto.

Bitcoin (BTC/USDT) ayaa si weyn u faa’iiday, iyadoo korortay 4.38% gaadhayna heerka $101,282, halka Gold (XAU/USD) uu hoos u dhacay 1.68% tagayna heerka $3,308, taasoo ay sabab u yihiin doolarka xooggan, arrimaha siyaasadda dhaqaale oo qaboobay iyo dulsaarka sareeya.

Read more