Shiinaha iyo US oo ku heshiiyay cashuur dhimid ku-meel-gaar ah 90 maalmood

Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ku heshiiyay in ay si ku-meel-gaar ah u joojiyaan canshuurihii ganacsiga ee labada dhinac saarnaa muddo 90 maalmood ah, taas oo keentay in suuqa saamiyada, dollarka Maraykanka, iyo dakhliyada treasury-yada ay sare u kacaan.
Qodobbada Muhiimka ah:
Canshuur-dhimis ballaaran: Maraykanka wuxuu hoos u dhigay canshuurihii uu ku soo rogay alaabaha Shiinaha laga keeno oo ahaa 145% ilaa 30%.
Shiinaha isna wuxuu canshuuraha uu saaray badeecooyinka Maraykanka ka dhigay 10% halkii ay ka ahayd 125%.
Suuqyada oo si togan uga falceliyay:
S&P 500 iyo Nasdaq ayaa sare u kacay ilaa 3.5%.
Dollarka Maraykanka ayaa xoogaystay.
Dakhliyada treasury-ga 10-sano ayaa kordhay.
Dahabku wuxuu hoos ugu dhacay 3%, sababtoo ah baahida loo qabo badbaado maaliyadeed ayaa yaraatay.
Kulamo miro-dhal ah:
Wadahadallada ka dhacay Geneva waxaa ka qeybgalay saraakiil sare oo Maraykan ah sida Wasiirka Maaliyadda Scott Bessent iyo Wakiilka Ganacsiga Jamieson Greer, kuwaas oo sheegay in ujeedkoodu yahay in la ilaaliyo xiriirka ganacsi oo aysan dhicin kala go’ dhaqaale.
Falanqeeyaasha ayaa digaya in kororka suuqa laga yaabo inuu yahay mid kumeelgaar ah maadaama aan la helin xal rasmi ah oo waara oo ku saabsan khilaafka dhaqaale iyo ganacsi ee labada quwadood.
Isbeddellada Suuqyada Maanta:
GBPUSD: Hoos u dhac -0.01202 (-0.9%)
EURUSD: Hoos u dhac -0.01358 (-1.21%)
DXY (Dollar Index): Koror +1.182 (+1.18%)
GBPJPY: Koror +1.785 (+0.92%)
USDJPY: Koror +2.657 (+1.83%)
JPYBASKET: Hoos u dhac -167 (-2.45%)
BTCUSDT: Hoos u dhac -72.21 (-0.07%)
XAUUSD (Gold/USD): Hoos u dhac -99.78 (-3%)
SP500: Koror +168.40 (+2.97%)
EURJPY: Koror +0.986 (+0.6%)