Sanadkee Ayay Traders-ka Soomaaliyeed ee Ugu Badan Bilaabeen Forex?

Sanadkee Ayay Traders-ka Soomaaliyeed ee Ugu Badan Bilaabeen Forex?

Jaantuskan hoos ka muuqda wuxuu muujinayaa xog muhiim ah oo laga qaaday in ka badan 2,000 oo trader Soomaaliyeed, kuwaas oo laga codsaday inay doortaan sannadka ay bilaabeen tradingka Forex. Natiijada ayaa si muuqata u muujinaysa isbeddelka kobaca ganacsiga Forex ee bulshada Soomaaliyeed.

Sanadka dadku ugu badanyihiin ay bilaabeen FX waa 2024, oo ah 27% guud ahaan ka qeybgalayaasha. Waxaa ku xiga; 2023 oo ah 17%, 2025 16%, 2020 iyo ka hor oo ah 21%, 2022 oo ah 10% iyo 2021 oo ah 9%.

Maxaa laga fahmi karaa xogtan?

  1. 2024 oo ay ugu badnaayeen ku biirayaasha Fx: Tani waxay muujinaysaa xiiso ballaaran oo sannadkii la soo dhaafay ay bulshadu u muujiyeen FX. Waxaa la dareemi karaa in sannadkaas uu ahaa mid wacyigelin iyo fursado cusub laga helay ganacsiga online-ka ah.

2. Kororka 2023 iyo 2025: Dadka bilaabay 2023 iyo 2025 ayaa si wanaagsan u metelay baahida sii kordheysa ee ay dhalinyarada u qabaan kasbashada dakhli madax-bannaan. Waxaa laga yaabaa in baraha bulshada, kooxaha waxbarashada sida Hagarlaawe Academy, ama guulaha ay arkeen asxaabtoodu ay dhiirrigeliyeen.

3. 2020 iyo ka hor – 21%: Dadkan waa kuwa ugu khibradda badan. Xogtoodu waxay muujinaysaa in ganacsiga Forex uu horeyba uga jiray bulshada, laakiin hadda ay si xowli ah u korortay tirada kuwa cusub.

4. 2021–2022 aad ayay u hooseeyaan: Tani waxay noqon kartaa sabab la xiriirta cabsidii ka dhalatay khasaaraha ama wacyigelin la’aanta waqtigaas.


Ugu dambayn, Forex trading wuxuu noqday dhaqdhaqaaq bulsho iyo fursad dhaqaale oo si degdeg ah ugu fidaya Soomaalida, gaar ahaan dhalinyarada. Waxaa muhiim ah in la sii kordhiyo tababarka iyo wacyigelinta si looga hortago khammaar, scamming, magac dil iyo khasaaro hantiyeed sidoo kale in la dhiso traders tayo leh.

Read more