Saamaynta Dhaqaale ee Dagaalka Iiraan iyo Israa'iil ee Suuqyada Forex

Tan iyo Jimcihii kolkii maamulka Israa'iil uu weerar ku qaaday Iiraan waxaa walaac iyo jahwareer galay suuqyada caalamka oo idil khaasatan lacagta DXY, dahabka iyo shidaalka.
🛢️ Suuqyada Shidaalka
Saliidda Brent waxay sare u kacday ~11%, gaartayna ilaa $74.23 halkii foosto, waxay markii hore gaartay $78.50, kaddibna hoos ugu dhacday illaa ~7%. Waa dhaq-dhaqaaqii ugu xooganaa tan iyo 2022.
Cabsi laga qabo in la carqaladeeyo marinka Hormuz ayaa sababtay kororka qiimaha. Khubarada ayaa saadaalinaya haddii dagaalku sii socdo, qiimaha shidaalka wuxuu gaari karaa $100–$120 halkii foosto.
Dhanka kale dahabka wuxuu kor u kacay in ka badan 1% sababtoo ah dadku waxay u leexdeen hantida "amaanka" loo arko dahabka, doollarka, yenta Jabaan iyo Iswiis Farank-ga.
📉 Suuqyada Saamiyada iyo Maaliyadda
Suuqyada Maraykanka si weyn ayey hoos ugu dhaceen Juun 13:
Dow Jones hoos ayuu u dhacay ~1.8% (~770 dhibcood), S&P 500 ~1.1%, Nasdaq ~1.3%.
Shirkadaha diyaaradaha sida Delta, United, American ayaa hoos u dhacay 3.8% ilaa 4.9%.
Saamiyada shirkadaha difaaca iyo saliidda sida Exxon, Lockheed Martin iyo Northrop Grumman ayaa kor u kacay ilaa 3%.
Suuqyada caalamka:
Suuqyada Yurub iyo Aasiya waxay la kulmeen hoos u dhac.
Qiimaha doolarka iyo daqlaha bonds-ka Maraykanka ayaa kor u kacay iyadoo la raadinayo suuqyo aamin ah.
🌍 Saameynta Gobolka & Qaybaha Dhaqaalaha Shirkadaha Tamarta:
Shirkado badan waxay filayaan hoos u dhac faa’iidooyinka sababtoo ah qiimaha saliidda oo kor u kacay.
Ruushka ayaa ka faa’iidaysan kara qiimaha sare ee saliidda si uu dib ugu xoojiyo dakhligiisa dhoofinta.
Silsiladaha sahayda & sicir-bararka:
Qiimaha korontada iyo shidaalka ayaa sare u kacaya, taasoo sababi karta:
Kacdoon ku yimaada qiimaha raashinka, safarka, iyo gaadiidka.
Hindiya ayaa horay u shaacisay in qiimaha lawska iyo miraha qalalan uu kor u kici doono.
Siyaasadda Lacagta (Central Banks):
Inkastoo dhaqaalaha Mareykanka weli xoogan yahay, Fed-ka Mareykanka waxay dib u dhigaysaa qorshaha hoos u dhigista dulsaarka.
Haddii dagaalku baaho oo ceelasha shidaalka iyo gacanka Hormous gaadho, Qiimaha dahabka, shidaalka, DXY, CHF iyo JPY kor ayay u kacayaan, halkaa EUR iyo GBP aad aad u daciifayaan.
Waayo; Yurub iyo Ingiriis shidaalka Bariga Dhexe aad bay ugu xidhan yihiin, halka Maraykanku shidaalka Kanada, iyo Maksiko ka helo, oo wax ka yar 15% uu B. Dhexe ka qaadan jiray.
Maalgashiga Geopolitical-ka:
Maalgashiyada Gautam Adani ee Israa’iil (sida dekadda Haifa) ayaa wajahaya khatar cusub.
Masuuliyiinta Ukraine waxay ka digeen in qiimaha sare ee saliidda uu si dadban uga faa’iideyn karo Ruushka.