Retail Sales & PPI oo Hoos u Dhacay, Sheegashada Shaqa-la'aanta oo Wanaagsan

Warbixinta ugu dambeysay ee kasoo baxday Waaxda Ganacsiga ee Mareykanka ayaa si cad u muujisay in kobaca iibka tafaariiqda uu si aad ah u liitay bishii Abriil 2025.

Inkasta oo xogtu ay muujisay in iibka guud uu kor u kacay 0.1% (oo ka wanaagsan saadaasha ahayd 0.0%), haddana tani waa hoos u dhac aad u weyn marka loo eego kobacii xooganaa ee 1.7% ahaa bishii Maarso. Marka la fiiriyo qeybta "Core Retail Sales", taasoo aan ku jirin baabuurta, shidaalka, cuntada, iyo adeegyada dhismaha — kororkeedu wuxuu ahaa 0.1% kaliya, taasoo ka hooseysa saadaashii 0.3% iyo xogtii hore ee ahayd 0.8%.
Hoos u dhacaani wuxuu imaanayaa xilli lagu jiray saadaal ah in dhaqaalaha uu ka soo kabanayo cadaadiska dulsaarka sare iyo xasillooni la’aanta ganacsiga caalamka. Waxaa muuqata in macaamiishu ay bilaabeen in ay si taxadar leh u isticmaalaan lacagtooda, taasoo laga yaabo in ay ka dhalatay kororka qiimaha nolosha iyo walaaca ku aaddan mustaqbalka dhaqaalaha.

Sidoo kale, tusmada qiimaha wax-soo-saarka (PPI) ee Mareykanka ayaa hoos u dhacday 0.5% bishii Abriil, taasoo ka dhalatay dalab xumo gaar ah oo ka jirta adeegyada sida duulimaadyada hawada iyo hoteellada. Tani waxay calaamad u tahay hoos u dhac guud oo ku yimid dhaqaalaha Mareykanka sababo la xiriira siyaasadaha ganacsi ee xiran iyo arrimo juquraafi siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee suuqa shaqada ayaa weli ah mid xasilloon, iyadoo tirada dadka codsaday kaalmada shaqo la’aanta ay ahaayeen 229,000 toddobaadkii lasoo dhaafay — tiro la jaanqaadaysa saadaasha khubarada.
Hoos u dhaca iibka tafaariiqda iyo qiimaha wax-soo-saarka ayaa sababay cabsi ku abuurtay maalgashadeyaasha, taasoo keentay in doollarka uu hoos u dhacay illaa 0.25%, halka Yuuro-guna uu kor ugu kacay 0.27%, isaga oo gaaray $1.1204. Xeeldheerayaashu waxay saadaalinayaan in arrimahan hoos u dhaca ah ay sababi karaan in Federal Reserve (Bangiga Dhexe ee Mareykanka) uu dib uga fiirsado siyaasaddiisa lacageed, inkasta oo Guddoomiyaha Fed Jerome Powell uu sheegay in ay sugayaan xog dheeraad ah ka hor inta aysan tallaabo qaadin.