Pakistan waxay shaacisay weerar milatari oo ka dhan ah Hindiya

Pakistan waxay shaacisay weerar milatari oo ka dhan ah Hindiya

Pakistan ayaa sheegtay in ay bilowday hawlgal milatari oo weyn oo lagu magacaabo “Howlgalka Bunyanun Marsoos”, kaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo milatari oo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Hindiya, kadib markii ay eedeysay Hindiya in ay weerar ku qaaday saddex saldhig oo ciidanka Pakistan leeyihiin.

Qodobbada ugu Muhiimsan:

Pakistan waxay sheegtay in ay beegsatay xarumo ciidan oo Hindiya leedahay sida bakhaar gantaallo oo ku yaalla Beas, iyo garoomada diyaaradaha dagaalka ee Pathankot iyo Udhampur.

Hindiya dhankeeda waxay sheegtay in ay qaaday “Howlgalka Sindoor” 7-dii May, kaas oo ay ku weerartay xarumo ay ku sheegtay in ay yihiin fadhiisimo kooxo ay argagixiso ku tilmaantay oo ku sugan gobolka Punjab ee Pakistan iyo Kashmir ay Pakistan maamusho.

Khasaaraha ilaa hadda la xaqiijiyay waxaa la sheegay in uu gaarayo 48 qof oo dhinacyada ah, balse tirada saxda ah wali lama xaqiijin karo sababo la xiriira xaaladda dagaal.

Hawada ayaa la xiray: Labada dalba waxay xireen hawadooda iyadoo la kansalay duulimaadyadii gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Hindiya waxay xirtay ugu yaraan 25 garoon diyaaradeed, halka Pakistan ay hawadeeda xirtay muddo 48 saacadood ah.

Falcelinta caalamka: Qaramada Midoobay, Mareykanka, Ruushka, iyo Shiinaha ayaa ku baaqay in labada dal ay muujiyaan xasillooni, isla markaana ay xalliyaan khilaafka iyada oo loo marayo wadahadal diblomaasiyadeed.

Asalka Xiisadda:

Xiisaddan ayaa ka bilaabatay weerar ka dhacay 22-kii April gudaha Kashmir ay Hindiya maamusho, halkaas oo lagu dilay 26 qof oo rayid ah. Kooxda TRF (The Resistance Front), oo lala xiriiriyo Lashkar-e-Taiba ee fadhigeedu yahay Pakistan, ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, kadib Hindiya ayaa diyaarado ku weerartay Pakistan, isla markiiba Pakistaan waa ay jawaabtay, dagaalkuna saasuu ku bilowday.

Isha warka: BBC, Reuters iyo Bloomberg

Read more