Waa Maxay Sababta ay Muhiim u Tahay Inaad Barato Fundamental Analysis Si Aad Ugu Guulaysato Suuqa Forex

Waa Maxay Sababta ay Muhiim u Tahay Inaad Barato Fundamental Analysis Si Aad Ugu Guulaysato Suuqa Forex

Guusha suuqa Forex kuma salaysna oo keliya fahamka jaantusyada ama shaxaha farsamada (technical analysis), balse waxay si weyn ugu xiran tahay fahamka xoogagga dhaqaale iyo siyaasadeed ee saameeya qiimaha lacagaha.

waxa aan raadiyay dadka ku guulaystay suuqa sida dhabta, bangiyada u waawayn caalamka, ganacsatada iyo xataa traderska caadiga ah, dhammaan waxaa number one u ah fundmental analysis waayo chart-gu waa raadka (footprint) fundmentalka.

Halkaas ayuuna ka shaqeeyaa fundamental analysis – oo ah falanqayn lagu sameeyo warbixinaha dhaqaalaha, siyaasadaha bangiyada dhexe, dhacdooyinka siyaasadeed, iyo wararka caalamiga ah si loo fahmo qiimaha dhabta ah ee lacagta waddan leeyahay. Haddii aan si fiican loo fahmin dhinacyadan, trader-ku wuxuu halis ugu jiraa inuu ku jahwareero suuqa, qaatona go'aammo ka soo horjeeda xaaladda rasmiga ah ee suuqa ka jirta. Lacagaha iskama dhaqaaqaan sabab-la'aan—waxaana saameeya dhacdooyin run ah oo la xiriira dhaqaalaha. Tusaale ahaan, haddii dalka interest rate-kiisa la kordhiyo, lacagta waddankaasi waxay u janjeertaa inay xoogaysato maadaama maal-gashadayaasha caalamku ay maalgashanayaan, iyaga oo raadinaya faa’iido badan.

Haddaba trader-ka fahansan nidaamkaas wuxuu heli karaa fursado uu suuqa kaga faa’iidaysto ka hor inta istaraatiijiyadda uu technical-traderku eegayaa soo bixin. Sidoo kale, haddii waddan uu wajahayo xasillooni darro siyaasadeed, lacagtiisu way daciifaysaa sababtoo ah kalsoonidii maal-gashadayaasha ayaa lunta. Fundamental analysis-ku wuxuu kuu oggolaanayaa inaad dhacdooyinkaas ka fal-celiso marka ay bilaabmaan, halkii aad sugilahayd falcelinta suuqa oo ku sawirmaysa shummacyada.

Hay’adaha waaweyn sida bangiyada iyo hedge funds-ku waxay si buuxda ugu tiirsan yihiin fundamental analysis marka ay go’aaminayaan jihada lacagaha waaweyn. Traderka cusub ee iska indha-tira dhinacaas wuxuu halis ugu jiraa inuu kasii hordhaco xogta muhiimka ah, ama uu ka hor yimaaddo jihada dhaqaaluhu u socdo.

Haddii aad barato fundamental analysis, waxaad la jaanqaadaysaa qorshaha iyo fikirka hay’adaha waaweyn – taas oo ku siinaysa fursad aad si xirfad leh suuqa uga dhex muuqato una guulaysato.

Sidoo kale, fundamental analysis-ka wuxuu kaa caawinayaa inaad kala saarto "buuqa" suuqa ka jira. Mararka qaar, farsamada (technical analysis) waxay kuu muujin kartaa in suuqu meel jabsanayo isaga oo ku tusinaya calaamado bullish ah, laakiin xaqiiqdu ay tahay in manipulation (marin-habaabin) dhacayso. Sidaa darteed dhaqaaqaa ayaad iska ilaalinaysaa beenabuurka ah adiga oo suuqa ka sugaya jihada dhaqaaluhu u socdo.

Fahamka jadwalka dhaqaalaha iyo warbixinaha sida CPI (sicir-bararka), heerka shaqo la’aanta, iyo warbixinta bangiyada dhexe waxay kuu oggolaanayaan inaad go’aan adag gaarto oo aad ka fogaato khaladaad kugu kaca lacag badan.

Waxyaabo kale oo ka dhigaya fundamental analysis mid muhiim ah waa xakamaynta khatarta (risk management). Suuqa Forex wuxuu leeyahay kacsanaan badan, dhacdo aan la filayn ayaa sababi karta isbedel degdeg ah oo qiimo badan kugu kacda. Marka aad ogtahay xaaladda guud ee dhaqaalaha, si fiican ayaad isu diyaarin kartaa adoo qaadanaya istaraatiijiyad taxaddar leh. Ugu dambayn, fundamental analysis waa tiir lagama maarmaan u ah trader kasta oo dhab u raba inuu guulaysto. Ma aha wax ikhtiyaari ah, ee waa qalab lagama maarmaan ah. Marka aad si wacan u fahamto waxa dhaqaajinaya qiimaha lacagaha, waxaad samaynaysaa go'aanno trade oo leh xasillooni, qorshe, iyo guul suurtagal ah.


Read more