Ma Technical Mise Fundmental, Kee Ayay Isticmaalaan Dadka u Badan; Baadhis

Ma Technical Mise Fundmental, Kee Ayay Isticmaalaan Dadka u Badan; Baadhis

Soomaalida Forex Ka Ganacsata: Fahamka Sare ee Taxliilinta Dhaqaalaha iyo Farsamada.

Forex trading-ka Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay si xawli ah u fiday, iyadoo dad aad u badan oo Soomaaliyeed ay maanta si xeel dheer ugu lug leeyihiin suuqyada sarifka lacagaha adduunka. Warbixin cusub oo ay samaysay Hagarlaawe Academy ayaa muujinaysa nidaamyada ay adeegsadaan Forex traders-ka Soomaaliyeed si ay uga faa'idaan suuqyadan.

Poll lagu qabtay bogga Hagarlaawe HMM ee Telegram bishii Abriil 2025

Sida laga arkayo xogta, 61% ka mid ah Soomaalida ku jirta Forex-ka waxay isticmaalaan is-dhexgalka taxliilinta farsamo (Technical Analysis) iyo tan dhaqaale (Fundamental Analysis). Tani waxay caddeyn u tahay in fahamka suuqyada uu aad uga sarreeyo sidii hore. Isticmaalka labada nooc ee taxliilku wuxuu ka caawinayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay si dhab ah u saadaaliyaan dhaq-dhaqaaqa suuqyada, iyagoo la falgalaya isbeddellada dhaqaalaha iyo falanqaynta jaantusyada (charts).

Dhanka kale, 36% ayaa kaliya ku tiirsan taxliil farsamo. Qaybtan dadka ah waxay inta badan diiradda saaraan garaafyada, nidaamyada iyo qaababka suuqa si ay u go'aamiyaan meelaha ay galaan ama uga baxaan trades-kooda. In kasta oo taxliilinta farsamadu tahay aalad muhiim ah, haddana waxaa jirta baahi sii kordheysa oo loo qabo in la fahmo dhaqaalaha guud ee aduunka oo saameyn ku leh qiimaha sarifka.

Si layaab leh kaliya 3% ayaa adeegsada taxliil dhaqaale oo keliya. Tani waxay muujinaysaa in in badan oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ay fahmeen in suuqyada Forex-ka aysan ku filnayn kaliya raadinta wararka iyo dhaqaalaha, balse loo baahan yahay in lagu lammaaniyo taxliilin arsamo oo adag.

Gebogebadii warbixintani waxay tilmaamaysaa isbeddel wanaagsan oo ku yimid fahamka ganacsiga Forex iyo suuqyada maaliyadeed ee bulshada Soomaaliyeed. Waxaa muuqata in dadaalka lagu bixinayo kor u qaadista aqoonta ganacsi ee Forex uu miro dhalay. Mustaqbalka dhow waxaa la filayaa in boqolkiiba kuwa isticmaala labadaba (fundamental iyo technical analysis) uu sii kordho, taasoo sare u qaadi karta guusha ganacsatada Soomaaliyeed ee suuqyada caalamiga ah.


Poll-kan waxaa qabtay Hagarlaawe HMM iyaga oo adeegsaday jawaabta illaa 1,500 oo Trader oo si dadbadn iyo si toos ahba ugu jira suuqyada Forex.

Read more