Intee Suuq Ayuu u Qaysamaa Suuqa Sarrifka Lacagaha Qalaad ee Forex?

Suuqa Forex waa suuq caalami ah oo lagu kala beddelasho lacagaha wadammada caalamka badankood. Ka hor inta aynaan qaybihiisa fahmin aan is waydiinno, waa maxay suuq?
Suuq waa goob iibsadaha (seller) iyo iibiyuhu (buyer) ay ku kulmaan, isla markaana ay isku beddelaan labada shay ee ay isdhaafsanayaan.
Okay, haddba lacagaha qalaad inta badan meelaha lagu kala iibsado (market) waxaa loo qaybiyaa shan suuq oo waawayn, mid walbana astaamo iyo xeerar u gaara uu leeyahay. Haddaan mid mid u dul istaagno innaga oo soo koobayna nururka waa sidan;
1. Suuqa Spot Market
Is-weydaarsiga lacagaha qalaad ee spot ah, oo sidoo kale loo yaqaan FX spot, waa heshiis dhex mara laba dhinac si ay u kala iibsadaan laba lacagood โ iyagoo la isla oggol yahay qiimaha, waxaana la dhammaystiraa lacag-bixinta isla markaba.
Goobta ganacsigaasi ka dhacayo waxaa loo yaqaan Over The Counter (OTC) oo ah heshiisyo ka dhexeeya brokers, bangiyo iyo liquidity keenayaal.
Waxaa lagu kala beddeshaa suuqan $5 trillion wax ka badan maalinkii, waxaana isticmaala bangiyada, shirkadaha waawayn iyo hedge funds-ka.
Ka qaybgalayaasha u waawayn waxaa ka mid ah bangiyada: JPMorgan Chase, Citibank iyo Deutsche Bank.
2. Suuqa Forward-ka
Suuqan waa caymis la habeeyay, waxa uu ku shaqeeya suuqa OTC, waxaana lagu heshiiyaa in xilli mustaqbalka ah lakala qaato lacagta.
Suuqan waxa badanaa loo isticmaalaa si loo yareeyo khataraha sarriflayaasha oo waa ka hortag (=hedge).
Waxaa isticmaala bangiyada iyo shirkadaha gancsiyadoodu dhowr waddan isaga gooshaan.
Isticmaalayaasha ugu waaweyn: HSBC, Standard Chartered iyo Barclays.
3. Suuqa Futures-ka:
Mid Nidaamsan oo Daah-furan Suuqan waa Heshiisyo FX ah oo lagu ganacsado suuqyo la nidaamiyey lehna xuddun (=central) sida CME.
Suuqan Futures waa mid daah furan oo leh xeerar, qawaaniin iyo nidaam daahfuran, waxaana isticmaala hedge funds, shirkadaha proprietary, maamulayaasha hantida waawayn, bangiyada qaar iyo shacabka caadiga ah.
Ganacsatada ugu waaweyn Futures-ka waxaa ka mid ah; Renaissance Technologies, DRW Trading, Jane Street.
4. Suuqa Options-ka:
Waa suuq leh heshiis ku siinaya xuquuq aan waajib kugu ahayn, laguna sarifan karo lacagta qiimo gaar ah ka hor dhicitaanka taariikh gaar ah.
Suuqan waa sida Futureska oo waxa uu leeyahay xuddun dhexe (centralized), waana suuq daahfuran. Waxaa loo istcimaalaa caymis khatar sarifeed, ama saadaalinta iyo ka faaididda dhaqaaqa sarrifka.
Ciyaartoyda ugu waaweyn suuqan waxa ka mid ah: Citadel Securities, Goldman Sachs iyo XTX Markets.
5. Suuqa Swaps-ka: Mashiinka Liquidityga
Waa suuq ku siinaya ibsasho iyo iibin isku mar ah oo lacag ah, iyo doorsho mustaqbalka aad dib u beddeli karto lacgataad soo gadatay.
Goobta Lagu Ganacsado waa OTC (=heshiis)โ waana suuq muhiim u ah ee maalgelinta gaaban.
Cidda Isticmaasha: Bangiyada, bangiyada dhexe, shirkado u baahan Liquidity.
Isticmaalayaasha ugu waaweyn waa bangiyada wadammada Maraykanka, Yurub iwm; Federal Reserve, ECB (Bangiga Dhexe Yurub) iyo BIS (Bank for International Settlements).
Innaga retail traders-ahaan waxaan ku trade garaynaa wax loo yaqaanno CFD (=Contract For Diffrence) oo ah inaan daba raacno, dhaqaaqa ay sameeyaan suuqyadaa aan soo sheegnay. CFD waxa uu hoos tagayaa OTC, markaa uu OTC noqonayo Spot Marketka. (Markale ayaan sharraxaynaa sidee ayay u shaqeeeyaan CFD-yadu).