Ingiriiska oo La Gaaday, Trump oo Heshiis Ka helay UK Iyo Xaaladda oo Qabowday

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay heshiis cusub oo ganacsi oo la sheegay inuu yahay "hore-u-kac" xagga xiriirka dhaqaale ee labada dal.
Qodobada Muhiimka ah ee Heshiiska
Canshuuraha la dhimay: Maraykanka wuxuu hoos u dhigayaa cashuuraha gaadiidka UK laga keeno, gaar ahaan baabuurta, laga bilaabo 27.5% ilaa 10% sannadkii, tiro dhan 100,000 baabuur. Sidoo kale, waxaa la tirtiray cashuurihii 25% ahaa ee saarnaa birta iyo aluminium-ka laga keeno UK.
UK oo is-dhiibtay:
UK waxay dhimeysaa cashuuraha alaabaha laga keeno Maraykanka, laga bilaabo 5.1% ilaa 1.8%, taasoo fursad u siineysa badeecooyinka Mareykanka in si sahlan suuqa UK u galaan. Cuntada iyo warshadaha: Waxaa loo ogolaaday badeecooyinka beeraha ee Maraykanka sida hilibka lo’da iyo ethanol-ka inay si sahlan UK u galaan, sidoo kale kiimikooyinka iyo qalabka warshadaha.
Duulista:
Shirkad diyaaradeed oo British ah ayaa ku heshiisay inay $10 bilyan ku iibsato diyaarado Boeing ah. Qaybaha diyaaradaha UK laga keeno ayaa sidoo kale laga qaaday dhammaan canshuurihii Maraykanka saarnaa.
Saameynta Dhaqaale iyo Siyaasadeed
Heshiiskan ayaa ah kii ugu horreeyay ee ganacsi oo rasmi ah oo ay gaaraan Mareykanka iyo UK tan iyo markii Trump dib loo doortay. Inkasta oo heshiiska uu bixinayo faa’iidooyin degdeg ah oo qeyb ahaan xallinaya xiisadaha ganacsi, haddana ma ahan mid dhammeystiran oo xallinaya dhammaan caqabadaha muddada-dheer.
Suuqyada UK ayaa durba muujiyay rajo;
FTSE 100 ayaa kor u kacay iyadoo la sheegay inuu gaaray heer guul joogto ah, halka lacagta pound-ka Ingiriiska ay gaartay heerkii ugu sarreeyay muddo 38 bilood ah marka loo eego dollarka. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay sheegeen in heshiiskani yahay tallaabo wanaagsan balse aysan la mid ahayn heshiis dhammaan dalalka kale lala gaari karo, iyagoo weli ka walwalsan canshuuraha mustaqbalka – gaar ahaan kuwa la xiriira dawooyinka iyo warshadaha xasaasiga ah. -Isha Warka Bloomberg