Hindiya iyo Bakistaan ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin Maraykanku dhex ka yahay

Hindiya iyo Bakistaan ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin degdeg ah kaddib rabshado aad u daran oo u dhexeeyay labada dal — kuwaas oo noqday kuwii ugu xumaa tan iyo 1999. Heshiiska waxaa la gaaray kaddib wada-hadallo uu Maraykanku garwadeen ka ahaa, iyadoo Madaxweyne Donald Trump iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ay door weyn ka ciyaareen dejinta xiisadda.
Dagaalka ayaa cirka isku shareeray kaddib markii weerar dad badan ku dhinteen uu ka dhacay gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho, taasoo Delhi ay ku eedeysay Pakistan—hase yeeshee Islamabad arrintaas way beenisay. Hindiya ayaa ku jawaabtay weerarro cirka ah, taasoo keentay in labada dal is-weydaarsadaan gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).
Labada dhinacba waxay isku eedeeyeen in ay beegsadeen bartilmaameedyo rayid iyo kuwa milatari. Khubaro badan ayaa walaac ka muujiyay in dagaalka uu isu beddelo mid buuxa, maadaama ay labada dal haystaan hub casri ah oo horumarsan iyo in xiisaddu ay cirka isku sii shareertay.
Mareykanka oo si guul leh u dhex-dhexaadiyay waxa uu muujiyay in weli uu saameyn weyn ku leeyahay arrimaha caalamka, inkasta oo xiriirkiisa Islamabad uu hoos u dhacay sababo la xiriira saameynta sii kordheysa ee Shiinaha.
Kashmiir ayaa weli ah isha dagaalka, iyadoo labada dalba ay sheeganayaan lahaanshaha Kashmiir. Xabbad-joojinta waxaa si rasmi ah u xaqiijiyay labada dal, iyagoo sheegay in ay u heellan yihiin nabad iyo wada noolaansho, isla markaana aan laga tanaasuleynin madaxbannaanida mid walba.
Khubarada siyaasadeed iyo ciidan ayaa sheegaya in halista dagaallo cusub ay kor u kacday sabab la xiriirta tiknoolajiyada cusub ee dagaalka.
Xigasho: WSJ