Hakadka Canshuuraha Mareykanka iyo Shiinaha oo Dib Looo Dhigay Wuxuu Adkaynayaa Yaraynta Dulsaarka (FED)

Dib u dhigista canshuuraha ganacsiga ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha ayaa sababtay in suuqyadu hoos u dhigaan filashada in Fed-ku goor dhow yareeyo heerka dulsaarka. Qodobbada muhiimka ah ee laga fahmayan arrintan waxaa ka mid ah:
Heshiiska cusub ee Geneva: Mareykanka wuxuu hoos u dhigay canshuurihii uu saaray badeecooyinka Shiinaha laga keeno oo ahaa 145% lagana dhigay 30%, halka Shiinaha uu yareeyay canshuurihii uu saaray badeecooyinka Mareykanka laga keeno laga bilaabo 125% ilaa 10%.
Saameynta dhaqaalaha Mareykanka: Tani waxay yareysay cabsi laga qabo sicir-barar iyo carqalado saameeya silsiladda sahayda. Sidaas darteed, Fed-ku wuxuu doorbidayaa inuu sugo oo uusan dhaqso u jarin heerka dulsaarka.
Warbixinaha Fed-ka: Guddoomiye ka tirsan Kaydka Federaalka (Fed), Adriana Kugler waxay sheegtay in isbeddelka siyaasadaha ganacsiga uu mugdi geliyay qiimeynta kobaca dhabta ah ee dhaqaalaha Mareykanka. Sidaas darteed, dulsaarka ayaa lagu haynayaa inta u dhexeysa 4.25%–4.50%.
Falcelinta suuqyada: Yields-ka deynta Mareykanka ayaa kor u kacay, saamiyada ayaa sare u kacay, iyo dollarka Mareykanka ayaa xoogaystay – taas oo sidoo kale ka caawin karta in dulsaarku sarrayn doono muddada dhoow!
In kasta oo dhimista canshuuraha ay tahay mid ku-meelgaar ah, haddana waxay siisay labada dal fursad ay ugu gogol xaarayaan heshiis ganacsi oo ballaaran. Fed-kuna wuu feejigan yahay ilaa uu ka helo xog ku filan oo caddeyn karta jihada mustaqbalka ee dhaqaalaha.