Euro-ga oo gaadhay heerkii ugu sarreeyay muddo bil ah kadib markii Trump dib u dhigay canshuurihii Midowga Yurub

Euro-ga oo gaadhay heerkii ugu sarreeyay muddo bil ah kadib markii Trump dib u dhigay canshuurihii Midowga Yurub

Lacagta Euro-ga ayaa Isniintii gaadhay heerkeedii ugu sarreeyay muddo bil ah, waxayna gaadhay $1.1418, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dib u dhigay qorshihiisii ahaa in uu canshuur 50% ah ku soo rogo badeecooyinka ka yimaadda Midowga Yurub.

Canshuurahaasi oo markii hore la filayay in la dhaqan geliyo 1-da Juun ayaa hadda dib loo dhigay ilaa 9-ka Luulyo, kaddib codsi uga yimid Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen si fursad dheeraad ah loogu helo wada-hadal ganacsi.

Suuqyada Yurub oo kor u kacay

Dib u dhacaasi ayaa si deg deg ah u yareeyay cabsidii laga qabay dagaalka ganacsi, taas oo keentay in suuqyada maaliyadeed ee Yurub kor u kacaan. Heerka STOXX 600 ee guud ahaan Yurub ayaa sare u kacay 0.9%, isagoo soo celiyay khasaarahii uu horey u galay.

Qaybaha dhaqaalaha ee si gaar ah ugu nugul canshuuraha Mareykanka sida warshadaha gawaarida iyo alaabaha raaxada ah ayaa kor u kacay: Shirkadda Stellantis waxay kor u kacday 2.5%, Mercedes 1.9%, Valeo 4.9%, Shirkadaha raaxada sida Kering, LVMH, iyo Richemont ayaa kor u kacay inta u dhaxaysa 0.9% illaa 1.4%.

Doolarka Mareykanka oo daciifay

Doolarka Mareykanka ayaa hoos u dhacay marka la barbar dhigo lacagaha kale ee waaweyn, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo xaaladda miisaaniyadda Mareykanka – gaar ahaan kadib markii Trump uu shaaciyay qorsho cusub oo canshuur dhimista ah, kaasoo la filayo inuu kordhiyo daynta dalka ilaa $3.8 tiriliyan tobanka sano ee soo socda.

Suuqyada maalgashigu waxay bilaabeen inay lacagtooda ka saaraan Mareykanka kuna wareejiyaan suuqyada Yurub iyo Aasiya sababo la xiriira caddayn la’aanta siyaasadda ganacsi ee Mareykanka.

Shirkadaha Yurub oo weli dareemaya hubanti la’aan

Inkasta oo dib-u-dhaca canshuuraha uu yareeyay cadaadiska degdegga ah, haddana ganacsatada Yurub waxay weli ka walaacsan yihiin siyaasadaha ganacsi ee isbedbeddelaya ee Mareykanka, taasoo adkeynaysa qorsheynta iyo maalgashiga mustaqbalka fog.

Midowga Yurub wuxuu sii wadaa dadaalkiisa uu ku doonayo heshiis ganacsi oo dheeli tiran la Mareykanka, inkasta oo ay jiraan khilaafaad weli taagan – gaar ahaan kuwa la xiriira canshuuraha steel-ka, aluminium-ka, iyo baabuurta.

Dhinaca suuqyada:

Maalgashadayaashu waxay si dhow isha ugu hayaan xogaha dhaqaale ee soo socda, sida:

Xogta sicir-bararka ee Jarmalka iyo Japan

Warbixinta kharashaadka isticmaalka gaarka ah ee Mareykanka, si ay u saadaaliyaan go’aannada xiga ee bangiyada dhexe.

Read more