Doollarka oo xoogaystay halka JPY iyo Gold dhulka galeen, kadib markii maxkamad xannibtay cashuurihii Trump

Doollarka oo xoogaystay halka JPY iyo Gold dhulka galeen, kadib markii maxkamad xannibtay cashuurihii Trump

Taariikh: 29 May 2025- Maalin ay suuqyadu si weyn u kaceen ayaa xilligii Asian Session laga diiwaangeliyey caalamka kadib markii maxkamadda kutaalla Maraykanku xukuntay in Canshuurihii “Liberation Day” ee uu horey u soo rogay Madaxweyne Donald Trump ay sharci darro ahaayeen. Maxkamaddu waxay sheegtay in maamulka Trump uu ka tallaabay awooddiisii sharciga ahayd, isagoo aan oggolaansho ka haysan Congress-ka.

Inkasta oo Aqalka Cad uu rafcaan ka qaatay xukunka, haddana suuqyadu si diirran ayey u soo dhaweeyeen is-beddelka, maadaama ay yaraanayaan walaacyadii ka dhashay siyaasadaha canshuuraha ee muranka dhaliyay.

Falanqeyn Kooban oo Suuqyada Ah

📈 Suuqa saamiyada Maraykanka a oo cirka isku shareeray

S&P 500 Index: +1.19%, Waaxaakor u kacay saamiyada Maraykanka, gaar ahaan kuwa teknoolojiyadda sida Nvidia, oo warbixinnadoodu aad u xoogganaayeen. Sidoo kale, suuqyada Aasiya – gaar ahaan Nikkei ee Japan – ayaa iyaguna kor u kacay illaa +1.7%. 💵 Doolarka Maraykanka oo Soo Laabtay

DXY (Dollar Index): +0.41% Doolarku wuxuu ka xoog roonaaday dhammaan suuqyada – si gaar ahna wuxuu ka xoog batay lacagaha amniga loo aadeegsado sida Yen-ka iyo Frank-ga Swiss. DXY waxay gaadhay heer ka sarreeya 100 – markiisii ugu horreysay toddobaadkan.

USDJPY: +0.62%

GBPJPY: +0.36%

EURJPY: +0.23%

PY Basket: -0.80%

Yen-ku aad ayuu u daciifay iyadoo jawiga suuqyadu uu noqday mid halis qaadasho leh, taasoo sare u qaaday lammaane-yada lacagaha la lammaan yahay Yen-ka.

GBPUSD: -0.26%

EURUSD: -0.39%

Ginni-ga iyo Yuuro-gu waxay hoos ugu dhaceen Doolarka, taasoo muujinaysa in Doolarka uu hoggaan ka yahay is-bedbeddelka lacageed ee maanta.

🪙 Dahabka oo wax yar hoos u dhacay

XAUUSD (Dahabka): -0.42% Qiimaha dahabka ayaa hoos u dhacay, iyadoo maalgashadeyaashu ay bilaabeen inay ka leexdaan hantida amniga leh, kuna jeestaan kaydadka iyo lacagaha risk assets ka ah sida USD, Crypto, Stocks iwm.

Saameynta Sharciga iyo Dhaqaalaha

Xukunka maxkamaddu wuxuu si cad u muujinayaa in awoodda lagu maamulo ganacsiga caalamiga ah ay si buuxda ugu jirto Congress-ka. Maxkamaddu waxay diiday in sharciga “International Emergency Economic Powers Act (IEEPA)” uu siinayo Madaxweynaha awood uu ku soo rogo canshuuro guud – taasoo meesha ka saartay saldhiggii uu Trump u adeegsaday sharciyeynta tallaabadiisa.

Xukunkan wuxuu noqon karaa mid tusaale u noqda go’aamada mustaqbalka ee ka yimaada Aqalka Cad. Waxaa sidoo kale suuragal ah inuu saameyn ku yeesho wadahadallada ganacsi ee hadda socda ama qorshaysan – iyadoo la eegayo in dunidu si dhow ula socoto sharciyada Mareykanka.

Maxaa Laga Filan Karaa Mustaqbalka

Inkasta oo la filayo in dacwaddan ay gaarto Maxkamadda Sare ee Maraykanka, haddana suuqyadu si degdeg ah ayey uga falceliyeen – iyagoo aad u jeclaystay in dib loogu laabto nidaamka sharciyada ku dhisan ee ganacsiga.

Si guud waa in traders-ka Soomaaliyeed ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada suuqa sida Doolarka, Saamiyada, iyo Badeecooyinka dabiiciga ah sida dahabka iwm, oo la filayaa inay sii kacsanaadaan isla marka ay wararka cusub ay soo baxayaan. Haddii ra'yi xooggan iyo dood maangal ah ay la yimaaddaan xisbiga Trump ee Jamhuurigu suuqu dhanka kale ayuu isu beddeli karaa.


La soco Hagarlaawe.net iyo channel-ka Telegram-ka Hagarlaawe HMM si aad ula socoto warbixinnada waqtiga-dhabta ah ee ay dhacayaan, falanqeynta suuqyada, iyo si toos ah ula falgalka ganacsiga oo af-Soomaaliga ah.


Saki, Aasaasaha Hagarlaawe HMM | Macallin & Ganacsade Forex ah

Read more