Subax Wanaagan; Dhacdooyinka Maanta, CPI-da US, Shaqooyinka UK Iyo Suuqa Kadib Heshiiskii Shiinaha & US

Maanta isha waxaa lagu wada hayo waa xogta qiimaha macaamiisha ee Maraykanka (CPI) oo la filayo in la shaaciyo galabta 3:30 galabnimo wakhtiga Bariga Afrika (EAT).
Sidoo kale waxaa la fialayaa sheegashada shaqa-la'aanta waddanka Ingiriiska oo ah war lagu shaqayn karo Sessionka London ee subaxnimada maanta.
Balse waraka u wayn maanta waa kan CPI da Maraykanka oo laga filayo in Core CPI gu sii kordho, taas oo ka dhigi karta USD inay kor usii socoto, dhaqaaqii Isniintana ku le'eg ama u dhow ay samayso.
CPI-da Maraykanka: Maxaa Laga Filayaa?
Waxaa la filayaa in CPI-da sanadlaha ah sii ahaato 2.4% — isla heerkii ay ahayd bishii hore. CPI-da udub-dhexaadka ah (Core CPI) oo aan ku jirin qiimaha shidaalka iyo cuntada, ayaa isna la filayaa inuu joogo 2.8%. Isbeddelka billaha ah waxaa la saadaalinayaa inuu sare u kaco 0.3%, taasoo ka sarreysa tiradii 0.1% ee bishii Maarso.
Inkastoo sicir-bararku hoos u dhacay, haddana wuxuu wali ka sarreeyaa bartilmaameedka 2% ee Fed-ku higsanayo. Qiimaha adeegyada iyo hoyga ayaa ah kuwa weli kacsan, taasoo ka dhigan in sicir-barar-hoos-u-dhaciisu uu gaabis yahay.
Xaaladda Caalamiga ah: Arrimaha Saameynaya Suuqa
Heshiiska Cusub ee Maraykanka iyo Shiinaha
Heshiis lagu qaboojiyey xiisaddii canshuuraha ganacsiga ee u dhaxaysay Maraykanka iyo Shiinaha ayaa sare u qaaday kalsoonida suuqyada. Waxaa aragnay in suuqyada saamiyada ee Wall Street ay kor u kaceen, taasoo keentay in doollarka Maraykanka xoog yeesho, iyadoo la filayo in ganacsiga labada dal uu sahlanaado.
Sicirka Lammaaneyaasha Lacagaha
Waa kuwan lammaaneyaasha aan gaarka u daawado iyo isbeddelkooda (↑ kor, ↓ hoos): 04:40 AM
- GBPUSD: +4.5 pips (↑)
- EURUSD: +14.3 pips (↑)
- DXY: -11.2 pips (↓)
- GBPJPY: -68 pips (↓)
- USDJPY: -54.1 pips (↓)
- JPYBASKET: +50 pips (↑)
- XAUUSD: +3.47 pips (↑)
- SP500: -17.4 pips (↓)
- EURJPY: -38.1 pips (↓)
Ugu dambayn La soco xogta CPI-da Maraykanka: Waxay saameyn toos ah ku yeelan doontaa saadaasha Fed-ku ee dulsaarka.
Sug dhaqdhaqaaq xooggan oo ka dhaca lammaaneyaasha waaweyn ee lacagaha.
Dareenka caalamiga ah sida xiriirka Maraykanka & Shiinaha iyo siyaasadda BOJ waxay sii saamayn doonaan suuqyada mar walba isha ku hay horumarrada u dambeeya!
Filo warbixinta CPI-da 3:30 duhurnimo (EAT) – diyaar u noqo isbeddelka suuqyada!
Wax badan ka sii akhri CPI-da maanta!
