Dahabka oo Gaaray Heerkii Ugu Sarreeyay Tan Iyo Todobaadkii Hore

Dahabka oo Gaaray Heerkii Ugu Sarreeyay Tan Iyo Todobaadkii Hore

Qiimaha dahabka ayaa saaka kor u kacay in ka badan 1.4%, isagoo gaaray in ka badan $3,380, taasoo ah heerkii ugu sarreeyay tan iyo toddobaadkii la soo dhaafay.

Kacitaankan waxaa sababay hanjabaad cusub oo cashuureed oo kasoo yeertay Madaxweyne Trump, taasoo sare u qaaday dalabka hantida badbaadada leh.

Trump ayaa ku dhawaaqay in filimada laga keeno dibadda Mareykanka lagu soo rogi doono 100% cashuur, wuxuuna sidoo kale sheegay inuu qorsheynayo cashuuro cusub oo ka dhan ah dawooyinka.

Tradersku waxay hadda sugaan go’aanka siyaasadeed ee Bangiga Dhexe ee Mareykanka iyo khudbadaha mas’uuliyiinta Fed-ka ee toddobaadkan, inkasta oo la filayo in sicirka dulsaarka meeshiisa joogo, iyadoo Trump weli cadaadis saarayo Jrome Powell in uu dhimo dulsaarka.

Read more