Dahabka, Lacagta Jabaan iyo Shidaalka oo Kor u Kacay Kadib Markii Israa'iil Weerartay Eeraan

Saaka aroortii, Israa’iil waxay si rasmi ah u shaacisay in ay duqeyn ku qaadday bartilmaameedyo ku yaal gudaha Iran, taasoo si weyn u kicisay walaaca caalamiga ah ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran. Weerarkan wuxuu si toos ah u sababay gilgilasho ka dhacday suuqyada maaliyadeed, iyadoo cabsidu ku faaftay suuqyada Forex, crypto iyo stocks.
Falanqaynta Isbeddellada Suuqa Ka Dhacay
📉Hantida Khatarta Leh oo Dhacday:
SP500 (S&P 500): Hoos u dhacay -83.57 dhibcood (-1.38%) — calaamad cad oo muujinaysa in maal-gashadayaashu ka cararayaan suuqyada saamiyada. GBPJPY (Gini/Yen): Hoos u dhacay -1.163 (-0.60%) — Yentu kor ayay u kacdaa sida caadada ah marka cabsidu korodho.
EURJPY & USDJPY: Labaduba hoos u dhacay -0.56% iyo -0.24% — waxay muujinayaan in maal-gashadayaashu u janjeedhaan hantida badbaadada leh (JPY).
Hantida Badbaadada
XAUUSD (Dahabka): Kor u kac weyn +38.66 (+1.14%) kuna gaaray $3,425 — calaamad cad oo muujinaysa in dahabku yahay badbaado marka xiisaddu kacdo. DXY (US Dollar Index): Sare u kac +0.243 (+0.25%) — doolarka Mareykanka oo la dalbanayo xilli hubanti la’aan jirto.
Batroolka oo Cirka Galay:
USOILN2025 (Shidaalka WTI ee mustaqbalka): Kor u kac +4.54 (+6.59%) kuna gaaray $73.36 — dadku waxay ka baqayaan in dagaalku saameeyo saadka saliidda ee gobolka Khaliijka.
FG;
Weerarkani wuxuu si weyn u kordhiyay “khatar-suuqeedka” (risk premium). Sida muuqata, dahabka iyo batroolka oo kor u kacaya iyadoo saamiyaduna hoos u dhacayaan waa dhaq-dhaqaaqyadii la filayay marka suuqyadu cabsida galaan. Haddii xiisaddu sii korodho oo ay ku lug yeeshaan waddamo ama marin-badeedka Hormuz la xanibo, waxaa dhici karta in:
Dahabku gaaro $3,500 toddobaadkan gudihiis.
Batroolka kor uga gudbo $80, haddii wax dhibaato ah ka dhacdo gaadiidka saliidda.
USD iyo JPY sii xoogaystaan, iyadoo AUD, EUR, iyo GBP daciifi karaan wax badan.
Waa Inaad Isha Ku Hayso:
Wararka ka soo baxaya Iran & Mareykanka: Waxay si toos ah u saameyn doonaan jihada suuqa.
Xogta keydka batroolka & maraakiibta Hormuz: Haddii xayiraad dhacdo, batroolku si xawli ah ayuu kor ugu kici karaa. Lacagaha Badbaadada leh (Safe Havens): Sida Gold, USD, JPY iyo CHF — cirka ayay ku dhagi karaa, kororkooda la soco.
VIX (Index-ka Cabsida): Waxaa la filan karaa inuu kor u kaco si xoog leh.
Suuqyadu waxay galeen marxalad xasaasi ah. Waa waqtigii aad ka fiirsan lahayd ficilkaaga, maaha waqtiga khatar qaadasho aan loo baahnayn. La soco isbeddelka, ilaali akoonkaaga, oo ha noqon mid la lacagtiisa ku khammaara.