Dabbaal Daggii Ruushka ee 80-sano Guurada Guushii Dagaalkii Labaad + Sawirro

9-kii May, 2025, Ruushka ayaa u dabaaldegay 80 guuradii ka soo wareegtay guushii Naziyiinta Jarmalka laga gaaray, iyadoo lagu qabtay dabbaaldeg milatari oo weyn Fagaaraha Cas ee Moscow. Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa hoggaamiyey munaasabadda oo ay ka qeyb galeen in ka badan 11,500 oo askari, oo ay ku jiraan dagaalyahanno hore uga qeyb qaatay dagaalka socda ee Ukraine. Waxaa sidoo kale la soo bandhigay qalab ciidan sida taangiyada, madaafiicda culus, iyo gantaallaha Yars ee xambaara madaxyada nukliyeerka ah. Diyaarado dagaal ayaa cirka ku sameeyay midabada calanka Ruushka.
Munaasabadda ayaa si gaar ah u soo jiidatay indhaha caalamka iyadoo ay ka soo qaybgaleen hoggaamiyeyaal caalami ah sida Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Madaxweynaha Brazil Luiz Inácio Lula da Silva, taasoo muujinaysa dadaalka Ruushka ee xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka baxsan reer Galbeedka.
Bandhiggu wuxuu si xooggan u muujiyay sida Ruushku uga faa’iidaysanayo dhaxalka Dagaalkii Labaad ee Adduunka si uu u kobciyo waddaninimada una sharciyeeyo howlaha militari ee hadda socda.
Inkasta oo Ruushku uu si keli ah u shaaciyay xabbad-joojin 72 saacadood ah si ay ugu beeganto xuska, Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka in uu jebiyay xabbad-joojintaas, iyadoo la sheegay duqeymo diyaarado aan duuliye lahayn ay ka dhaceen Moscow, taasoo keentay in la joojiyo duulimaadyo isla markaana la adkeeyo amniga. Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa cambaareeyay xafladda isagoo ku tilmaamay mid masaf ah oo aan wax xiriir ah la lahayn guushii dhabta ahayd ee Naziyiinta laga gaaray.
Sawirradii ugu muhiimsanaa xafladda;







