Bitcoin waxay markale gaadhay qiimaha $100,000 kaddib heshiis ganacsi oo caalami ah.

Bitcoin ayaa maanta (8-da May) kor u dhaafay heerka taariikhiga ah ee $100,000, iyadoo gaadhay $101,329.97 — taasoo ka dhigan koboc 4.7% ah maanta oo keliya. Kororkaasi wuxuu yimid kadib markii la shaaciyey heshiis ganacsi oo muhiim ah oo ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Boqortooyada Midowday (UK), taasoo sare u qaadday kalsoonida maalgashatada.
Heshiiska Ganacsi ee Mareykanka iyo UK: Madaxweyne Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa heshiis cusub ku dhawaaqay, kaasoo Mareykanka u oggolaanaya inuu sii wato canshuurta 10% ah ee uu saaro badeecadaha UK, halka UK ay dhintay canshuurta ganacsiga ilaa 1.8% isla markaana ay u furto suuqeeda si-si ballaaran loogu dhoofiyo badeecadaha Mareykanka.
Sababaha kale ee sare u kaca Bitcoin:
Maalgashi xooggan oo ka imaanaya hay’adaha maaliyadeed, gaar ahaan ETFs-ka bitcoin.
Xasilooni siyaasadeed oo soo korortay.
Tallaabooyin dhiirrigelin dhaqaale ah oo Shiinuhu qaaday.
In kasta oo Bitcoin ay wali ka hooseeyso marka loo eego heerkii ugu sarreeyay ee bishii Janaayo ($109,000), khubaradu waxay saadaalinayaan in kororka hadda socda uu sii socon karo oo uu horseedi karo heerar cusub oo taariikhi ah.
Qiimaha Bitcoin ee hadda: Qiimo hadda: $101,267 Koroka 24-saac: $5,245 (5.46%)