Bayaanka FOMC ee uu Soo Saaray Federal Reserve (Turjumaad)

In kasta oo isbedbedelada dhoofinta saafiga ah ay saameeyeen xogta, haddana tilmaamihii u dambeeyay waxay muujinayaan in dhaqdhaqaaqa dhaqaale uu sii kordhayo si xooggan. Heerka shaqo la’aanta ayaa xasishay muddooyinkii u dambeeyay isagoo jooga heer hooseeya, halka xaaladaha suuqyada shaqaduna ay weli xooggan yihiin. Sicir-bararku wuu uu sarreeyaa weli.
Guddigu wuxuu u taagan yahay gaaridda shaqo abuur buuxda iyo sicir-barar celcelis ahaan ah 2% muddada fog. Jahawareerka ku saabsan saadaasha dhaqaale ayaa sii kordhay. Guddigu wuxuu si taxaddar leh ula socda khataraha labadaba — sicir-barar sare iyo shaqo la’aan sare — wuxuuna aaminsan yahay in labadaba khatarahooda ay sare u kaceen.
Si uu u gaaro yoolalkiisa, Guddigu wuxuu go’aansaday inuu sii hayo heerka bartilmaameedka dulsaarka federaalka ee u dhexeeya 4-1/4% ilaa 4-1/2%. Marka la tixgalinayo xaddiga iyo waqtiga wax-ka-bedelka kale ee dulsaarkan, Guddigu wuxuu si taxaddar leh u qiimeyn doonaa xogaha cusub, isbeddelka saadaasha, iyo miisaanka khataraha. Wuxuu sii wadi doonaa yareynta hayntiisa bonds-yada Treasury-ga iyo daymaha hay’adaha dowladda ee ay damaanad qaadayaan amaahda guryaha.
Guddigu wuxuu si xooggan ugu go’an yahay taageeridda shaqo buuxda iyo soo celinta sicir-bararka bartilmaameedkiisa ee 2%.
Marka uu qiimeynayo xaalada siyaasadda lacagta, Guddigu wuxuu sii wadi doonaa la socodka xogaha cusub iyo sida ay u saameyn karaan saadaasha dhaqaalaha. Wuxuu diyaar u yahay inuu wax ka beddelo siyaasadda lacagta haddii ay soo baxaan khataro hor istaagi kara himilooyinka Guddiga. Qiimeyntooda waxay tixgelin doontaa xog badan oo ay ka mid yihiin: xaaladaha suuqyada shaqada, cadaadiska sicir-bararka, filashooyinka sicir-bararka, iyo isbeddelada maaliyadeed iyo kuwa caalami ah.
Qoraalka oo Af Ingiriisi ah ka akhriso bogga rasmiga ah ee Federal Reserve.