About Hagarlaawe HMM

About Hagarlaawe HMM
Mogadishu Bootcamp 2023

Hagarlaawe Academy "Hoyga Milyoneerra Musltaqbalka", waa madal e-Learning wax barasho oo xoogga saarta suuqa Forex iyo dhammaan wararka la xidhiidha suuqyada maaliyadeed sida; stocks, bonds, crypto iyo forex.

Waxaa akaadamiyadda asaasay Sakariye Cumar (Hagarlaawe) sannadkii 2020-kii. Waa akaadamiyadda hormuudka u ah madalaha waxbarasho ee Soomaaliyeed.

Hagarlaawe Academy waxay soo bandhigtay guulo badan oo verified ah, waxay noqotay akaadamiyaddii u horraysay ee Livestream ku trade garaysa, sidoo kale softwereka backtesting-ka ah ee Simulation samaysa.

Waxaa akaadamiyadda wax ka bartay arday Soomaaliyeed oo 2,000 ka badan, magaalo walbana jooga. Wixii ka dambeeyay 2024 Hagarlaawe waxay xoogga saartay dhanka warbixinnada, fundmentals-ka, maalgashiga iyo fahanka dhaqaalaha.

CEO ga Hagarlaawe, Sakariya Omar waxa uu wax ka bartay Jamaacadda Cammuud ee Boorame, waxaana uu ku diyaarshay Masters Degreega Jaamacadda Kigaali ee waddanka Ruwaanda, qaybta Educational Management and Curriculum. Waxa uu bare ahaa 5 sanno oo dugsi sare ah maaddada xisaabta, iyo 5 sanno oo onlineka lacagaha suuqyada Forex ah.